Saturday, July 27, 2024

Xasan Sheekh oo ka qeyb gelaya shirka isbeddelka cimilada ee COP28

Dubai (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan Shirka caalamiga ah ee Isbeddelka Cimmilada Adduunka (COP28), oo ka furmaya dalkaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Shirka kusoo bandhigi doona saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed, muhiimada in la helo taageero caalami ah iyo qorsheyaasha Dowladdu ay kula taacaleyso daadadka iyo fatahaadaha ay sababatay duufaanta El Niño oo khasaare nafeed iyo hantiyeedba ay kasoo gaareen kumannaan Soomaaliyeed” . ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Villa Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay Imaaraatka waxa uu kulammo la qaadan doonaa Madaxweyneyaasha caalamka ee shirka kasoo qayb galaya, si taageero caalami ah loogu helo gurmadka deg-degga ah ee ay u baahan yihiin dadka ku dhibaateysan deegaannada ay qaateen daadadka Roobka.

Shirka ayaa looga hadlaya qodobadaan hoose

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here