Thursday, September 19, 2024

Dowladda: Muddo 10 maalin ah halooga saaro dadka ku aasan Iskool Boliisiya

Muqdisho (Dawan)- Dowladda ayaa muddo toban maalin ah u qabatay in laga saaro dadka ku aasan qabuurha Iskool Boliisiya ee magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay shir jaraa’id oo ay wada qabteen mas’uuliyiinta gobolka Banaadir iyo laamaha amniga ee federaalka.

Mas’uuliyinta dowladda ayaa sheegay in go’aaankan uu ku yimid baahi jirta awgeed sidaas darteedna loo baahanyahay in Iskool Boliisiya laga saaro dadka ku duugan si dowladdo ay ugu qabto howl dan guud ah.

Mas’uuliyiintu waxa ay sidoo kale sheegeen in la caawin doono dadka aan awoodda u lahayn in ay la baxaan dadkooda.

Maxaa ku kallifay dowladda go’aankan?

Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ujeedka loo banneynaayo dhulkan ay tahay in lga dhiso xarun u gaar ah ciidamada badda iyo ilaalada xeebaha, wuxuuna xusay in dhulkaan ay markii hore iska lahaayeen ciidamada xooga dalka hadana ay timid baahi looga maarmi waayay.

“Dhulka laga hadlayo waa dhulka kasoo billaawada eridda a airport-ka ee loo yaqaano ” Marina Gate” kuna imaanya isbitaalka Yardimeli iyo badda inta ka xigta waaye” ayuu yiri, Wasiirka Difaaca.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Taliyaha Boliiska Soomaaliya, Sulub Axmad Firin ayaa sheegay in la dadwaynaha loo fududeyn doono in ay dadkooda la baxaan, iyada oo sidoo kale la caawin doono dadka aan awoodda u lahayn in ay dadkooda ka saaraan qabooraha.

“Dadka aan la bixi karin maydadka halkaa ku jira, annaga ayaa bixinaynaa. Annaga ayaa meel gaynayna aan ugu tala galnay, eheladoodna ay ogaa doonaan meesha aan gaynayno iyo dhulka aan ku duugayno” ayuu yiri; Guddoomiye Yabooh.

Dhankiisa Taliyaha Boliiska ayaa yiri; ” Annaga oo tixgelinayna baahida qaran ee timid, ayaan hadana ka ciidan ahaan waxaan diyaar u nahay in aan ehelada raba in ay la baxaan maydadka halkaan ku aasan, inaan u fududeyno” .

Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Madaxda dowladda lama aamin doono

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo arrintan ka bixiyay faallo kooban ayaa tilmaamay in madaxda dowladdu ay maanta caddeeyeen in aan qowlkooda la aaminaynin, lana aami doonin. Waxa keli ah ee u harayna ay tahay in ay maalin kasta raadiyaan cid ay kaarkooda xoqdaan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in culimadu ay noqoto marin wax lagu xalaalaysto.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here