Saturday, July 27, 2024

Ruto oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee Soomaaliya

Nairobi (Dawan)- Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto  ayaa warqadihii aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay, Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhin doona magaalada Nairobi, Jibriil Ibraahim Cabdulle.

Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa beddelay Safiir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo tan iyo sannadkii 2018-kii ahaa Safiirka Soomaaliya ee Kenya.

Qoraal lasoo dhigay barta Facebook ee safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ayaa safiirka cusub loogu hambalyeeyay billaabashada waajibaadkiisa cusub, waxaana lagu yiri,

“Hambalyo kal iyo laab ah ayaan u diraynaa Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle. Shaqaalaha safaaradda ayaa aad ugu faraxsanyihiin inay soo dhaweeyaan safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Kenya. Hoggaamintaadu waxay tilmaan u tahay xiriirka xooggan oo ka dhexeeya labada dal. Waxaan kuu rajeyneynaa in Ilaah ku waafajiyo guul”

Kenya iyo Soomaaliya ayaa wadaaga xiriir soo jireen ah , iyaga oo iska kaashada dhinacyo badan oo muhiimka ah, gaar ahaan amniga, ganacsiga, siyaasadda iyo waxbarashada.

Kenya ayaa ka mid ah dalalka ay ciidamada nabad ilaalintu ka joogaan Soomaaliya , waxayna si firfircoon uga qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa billaawday dhawaan in ay bedesho qaar ka mid ah safiiradeeda, iyada oo sidoo kale u magacaawday safiiro cusub dalal aysan hore ugu joogin safiiro.

Dalalka ay Soomaaliya u magacaawday safiirada cusub ayaa kala ah, Qatar, Sacuudiga, Morocco, Eretria iyo Kenya.

Madaxweyne Ruto ayaa maanta qaabilay 11 safiir kuwaas oo ka kala socday dalalka Pakistan, Qatar, Tanzania, Cuman, Soomaaliya, Iran, Australia, Kazakhstan, Estonia, El Salvador, iyo Suriname.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here