Friday, September 20, 2024

Habalyada madaxda Soomaalida ee guusha Xisbiga Shaqaalaha UK

Muqdisho (Dawan)- -Madaxda Soomaalida ayaa hambalyo u dirtay Xisbiga Shaqaalaha ee Boqortooyada Ingiriiska iyo hoggaamiyaha xisbigaas Keir Starmer oo ku guuleystay doorashadii guud ee dhawaan ka dhacday dalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa labaduba bogaadiyay guusha Xisbiga Shaqaalaha, waxayna rajo wanaagsan ka muujiyeen mustaqbalka xiriirka Soomaaliya iyo UK ee hoggaanka cusub.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo qoraal soo dhigay bartiisa X ayaa yiri; ” “Hambalyo diiran ayaan u diraynaa Xisbiga Shaqaalaha ee UK iyo Raysal-wasaaraha cusub Keir Starmer, ee ku guuleystay doorashada. Boqortooyada UK waxay Soomaaliya u tahay saaxib qiima leh”

Xasan waxa uu intaas ku daray inay sii xoojin doonaan xiriirka adag ee laba geesoodka ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo UK iyada oo la abuurayo fursado cusub oo iskaashi si loo hormariyo danaha ay wadaagaan labada dal.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Cabdi Barre ayaa Keir Starmer iyo Xisbiga Shaqaalaha ugu hambalyeyay guusha ay ka gaareen doorashadii dhacday Khamiista, isaga oo yiri ” Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeduba waxay qadarinayaan iskaashiga aan la leenahay Britain waxayna aad u daneynayaan xoojinta xiriirka naga dhexeeya hoggaanka cusub.”

Dalka Ingiriiska ayaa Soomaaliya ka taageera dhinacyo badan oo isagu jira kaabayashaa dhaqaalaha, amniga, adeegyada bulshada iyo dib u dhiska hay’adaha dowladda.

Xisbiga Shaqaalaha ee uu hoggaamiyo Keir Starmer, ayaa ku guuleystay aqlabiyadda doorashadii guud ee Ingiriiska, wuxuuna soo afjaray 14 sano oo xisbiga Conservative-ka hoggaanka u hayay talada dalkaas.

Tirada kuraasta uu helay xisbiga shaqaalaha ayaa kor u dhaaftay 400, iyada oo Baarlamaanka dalkaas uu ka kooban yahay 650 kursi, halka xisbiga Conservative-ka uu helay 119 kursi oo kaliya, 71 kursi waxaa nasiib u yeeshay xisbiga Libaraalka ah, iyada oo 35 kursi ay kala qaybsadeen xisbiyada kale.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here