Saturday, July 27, 2024

Nigeria oo ku biireysa howlgalka nabad ilaalinta Q M ee Koonfurta Suudaan

Abuja (Dawan)- Dowladda Nigeria ayaa ku dhawaaqday, inay 157 askari u direyso Koonfurta Suudaan, kuwaas oo qayb qaadanaya howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee loo yaqaano (UNISFA).

Magaalada caasimadda ah ee Abuja, ayaa munaasabad sagootin ah loogo sameeyay 157 askari, si ay ugu biiraan ciidamda caalamiga ah ee ka howl gala magaalada Abyei.

Dalalka Suudaan iyo Koonfurta Suudaan ayaa ku muransan gobolka Abyei ee qaniga ku ah saliidda, kaasoo maqaam gaar ah loo sameeyay markii ay labada dhinac heshiis nabaded kala saxiixdeen 25-kii September 2003-dii.

Abyei ayaa lagu tiriyaa in ay tahay buundo isku xirta waqooyiga iyo koonfurta Suudaan, iyada oo ay qabiilada Misseriya ee Carabta ay degan yihiin waqooyiga, halka qabiilada Dinka ee Afrika ay degan yihiin koonfurta.

Dowladda Nigeria ayaa ballan qaaday in ay sii wadi doonto diyaarinta ciidamo tayo leh kuwaas oo awood u leh in ay ka qeyb qaataan nabad ilaalinta iyo amniga caalamka.

Nigeria ayaa hore uga qayb qaadatay in ka badan 40 hawlgal oo nabad ilaalin ah, isla markaana waxa ay in ka badan 100,000 oo askari u dirtay howlgal nabadeed tan iyo markii ay ka qeyb qaadatay hawgalkeedi ugu horeeyay ee Congo 1960-kii.

Nigeria ayaa sannadkii 2013-kii ka baxday howlgalada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay, si ay fursd ugu hesho dagaalka ay kula jirtay ururada argagixisada ee dalkaas, waxeyna 11 sano kadib dib ugu soo noqoneysa ka qeyb qaadashada howlgallada nabad ilaalinta caalamiga ah.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa aas-aasay howlgalka nabad ilaalinta Koonfurta Suudaan ee UNISFA sannadkii 2011, waxa uuna ka koobanyahay ciidan milateri oo gaaraya 4,200 oo askari iyo 50 Boliis ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here