Saturday, July 27, 2024

Agaasimhii Madaxtooyada Oo U “Gacan Bannaanaaday” Hardanka Baydhaba

Agaasimhii Madaxtooyada ee xilka ka tagay Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in sababta uu xilka uga tagay ay tahay in uu doonayo u gacan-bannaanaanshaha arrimaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu ka soo jeedo.

Qoraal af ingiriis ku qoran oo uu barta X soo dhigay ayuu ku sheegay in uu doonayo inuu waqti u helo howlaha Koonfur Galbeed, isaga oo maldahay hankiisa ku aaddan hanashada xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka.

“Waxaan gar-waaqsaday muhiimmada in aan wakhti badan geliyo ka shaqaynta danaha Dawlad Goboleedka KGS iyo shacabkeeda oo aan qabo in ay u baahan tahay ‘Hoggaan’ aragti leh, aamin ah, aqoona leh oo ku hagi kara KGS in ay noqoto mid u horseed u ah maamulada kale dhanka barwaaqada iyo hurumarka” ayuu yiri.

Hadalka Agaasimahii hore ayaa waxaa ka muuqday in xiriirka isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh uu wali hagaagsan yahay, isla markaana uu heysto kalsoonida Madaxweynaha. Waxa uu balballaariyay inuu ku shaqeynayo aragtida iyo tusaalaha Madaxweynaha.

Tallaabadaan ayaa saameyn aan wanaagsaneyn ku yeelan karta xiriirka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Laftagareen oo dhowaanahaan ka muuqday isku soo dhawaansho dhinacyo badan leh oo ay ka mid tahay nidaamka doorashooyinka iyo la dagaallanka Al-shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here