Saturday, July 27, 2024

Militeriga Niger oo maxkamad soo taagaya Madaxweyne Bazoum

Kornayl Amadou Cabdiraxmaan, oo xubin ka ah golaha militeriga ee dhawaan af-genbiga ka sameeyay dalka Niger, ayaa sheegay in lasoo  aruuriyay caddeymo maxkamada lagu soo taagi  karo madaxweynihii talada laga tuuray Maxamed Bazoum.

Kornayl Amadou oo ka hadlaaya telefishinka qaranka ayaa yiri ” Dawladda Niger waxay aruurineysaa caddeymo ku filan kuwaas oo lagu dacweynayo  madaxweyne Bazoum iyo saaxiibadiisa gudaha iyo dibaddaba, waxaana la horgeynayaa hey’adaha dalka ee ku shaqada leh”.

Ciidamada af-genbiga sameeyay ayaa ku eedeyay madaxwenaha iyo mas’uuliyiin kale khiyaano qaran iyo inay qaadeen tillaabooyin wax u dhimi kara amniga Niger iyo gobalka.

Bazoum ayaa tan iyo maalintii uu dalkaas ka dhacay af-genbiga waxaa lagu haaya qeyb ka tirsan madaxtooyada, waxaana la jooga xaaskiisa iyo wiilkiisa.

Golaha militeriga ayaa shegay in Bazoum xorriyad u heysato inuu la hadlo qofkuu doono, sidoo kalena uu la kulmo dhaqtrakiisa gaarka ah kaas oo aan wax walaac ah ka muujin caafimaadkiisa.

Madaxweyne Bazoum oo la hadlay warbaahinta dibadda ayaa sheegay inuu yahay maxbuus lagana jartay korontadii guriga.

Bazoum ayaa intaas ku daray in lagu qasbay inuu cuno oo kaliya bariis iyo baasto.

Dowladaha Africa ayaa ku kala qeybsamay qaabka lagu xallinayo arrinta dalka Niger, waxeyna  qaarkood soo jeediyeen in lagu xalliyo fara-gelin ciidan halka kuwa kale ay soo bandhigeen  in wada hadal iyo qaab siyaasadeed looga gudbi karo dhibaatada dalka Niger.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here