Saturday, July 27, 2024

Akhriso: Khudbaddii Madaxwaynaha Jabuuti ee Madasha Sacuudiga iyo Afrika

Riyaad (Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ka qeyb galay Madasha Iskaashiga Sucuudiga iyo Afrika ee lagu qabtay magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ammaanay kaalinta ay dowladda Sacuudigu ka qaadato maalgashiga iyo horumarinta dalalka Afrika.

Waxaan idinla wadaageynaa khuadbaddii Geelle oo qoraal ah ee akhrsi wacan.

Waxaa sharaf ii ah inaan mahadcelin ballaarn u jeediyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya madax iyo shacab ba sida muunadda wanaagsan ee ay noosoo dhaweeyeen iyo qaabaka sare ee loo diyaariyay howsha Madashaan.

Madaxda sharafta leh

Marka la eego isbeddelada Geo- istiraatijiga ee hadda taagan, waxaan  bogaadineynaa hindisaha Sacuudiga ee ku saabsan in la qabto Madasha iskaashiga Sacuudiga iyo  Africa taas oo tilmaameya kaalinta Boqortooyada ee lagu  xoojinayo  mabada’a wada shaqeynta si looga hirgeliyo Gobolka iyo Caalamakaba  mustaqbal leh  horumar wnaagsan, taas oo ka tarjumeysa kaalinta  muuqata ee Sacuudigu ku leeyahay caalamka marka la eego  miisaanka siyaasadeed, saameeynta dhaqaale iyo sidoo kale inuu yahay dal hormuud u ah soo bandhiggida hindisayaal cusub  iyo xal u helidda dhibaatooyinka .

Shaki kuma juro in horumarkaan ballaaran uu yeelanayo  marxalad cusub oo kusoo korortay xiriirka adag ee soo jireenka ah ee Sacuudiga iyo qaaradda Africa.

Madaxda sharafta mudan

Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxa ay tusaale ku dayasho mudan u tahay sida ay ula jaan qaaday dadaallada horumarineed ee ka socda Afrika, waxeyna kaalin mug leh ka qaadata horumarinta Geeska Africa iyo Badda Cas

Waxaa muhiim ah in la tilmaamo in wax qabadka qiimaha leh ee Boqortooyada uusan ku koobnayn oo kaliya dhanka taageerida maaliyadda iyo maagashiga kala duwan ee saameeya dhinacyada nolosha, ee waxa ay sidoo kale kaalin ku leedahay siyaasaadda,  amniga iyo is dhax galka Gobolka.

Hindisaheeda mudan in la bogaadiyo waxaa ka mid ah yagleelidda  Golaha dowladaha Carabta iyo Afrikaanka ee ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, Golahaas oo abuuraya iskaashi iyo is dhameystir u gaar ah dowladaha ku mideysan Golahaas.

Dowladda Jabuuti waxa ay ka mahadcelineysaa taageerada Boqortooyada ee dhinacyada horumarinta mashaariicda, isla markaana waxa ay caddeyneysa go’aankeeda ah in ay ka qeyb qaadato xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo maalgashi ee Boqortooyada Sacuudiga iyo qaaradda Africa.

Iyada oo la eegayo meesha ay dhacdo dowladda Jabuuti ee istiraatiijiga ah ee ah ee Afrika u ah albaab, sidoo kale waxey leedahay awood  gaar ah sida kaabayaalka dhaqaalaha horumarsan iyo aagaga dhaqaalaha ee xorta ah uguna weyn Africa, taas oo u sahleysa ganacsatada iyo maalgashadayaasha kala duwan in ay ka  faa’iideystaan  fursadahaan   iskaashiga dhaqaale ee danta u ah Gobolka iyo caalamka.

Madaxda sharfta mudan

Magaalada Gaza  waxay wajaheysa masiibo hor leh, dadka ku nool oo gaaraya 2 milyan iyo bar waxa ay xabsi ugu jiraan Gumeystaha Sahyuuniyadda ( Israel) kaas oo ku xadgudbaya  kuna qasbaya in ay barakacaan, naftoodana ku biimeeyaan meel haadaamo ah, iyada oo u duqeyneysa si   arxan darro ah, waxa ayna u diiday xuquuqda asaasiga ah sida biyaha, cuntata, dawooyinka, shidaalka iyo isgaarsiinta.

Xaaladdaan halista ah ee jirta (Gaza) waxey u baahantahay gurmad deg deh ah iyo in laga  bixiyo  jawaab adag.

Dowladaheena Africa waxaa saaran mas’uuliyad taariikhi ah, waana inaan u istaagnaa gargaarka  iyo badbaadinta walaalaheen Gaza sida ugu habbon.

Ugu dambeynti, waxaan mahad naq ballaran u jeedinaya madaxda iyo shacabka Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo marti geliyay Madashaan, isla  markaana si wanaagsan ugu diyaar garoobay ka mira dhalinteeda.

Waxaan ilaah ka baryaya inuu guul noogu dhameeyo howlaheena, hana nawaafajiyo khyerka iyo wanaaga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here