Saturday, July 27, 2024

Al-Siisii oo marki 3-aad loo caleema saaray madaxweynaha Masar

Qaahira (Dawan)- Cabdifataax Al-Siisii ayaa markii saddexaad loo dhaariyay xilka madaxweynaha ee dalka Masar kadib munaasabad caleema saar ah oo maanta ka dhacday magaalada cusub ee la qorsheynayo in ay noqoto caasimadda maamulka ee Masar.

Al-Siisii oo khudbad u jeediyay xubnaha Baarlamaanka ayaa ballan qaaday inuu sii wadi doono dadaalada lagu xaqiijinayo dhismaha dowlad casri ah oo dimoquraadi ah, isaga oo hoosta ka xariiqay inuu sii xoojin doono xiriirka caalamiga ah ee ku dhisan dheellitiranaan iyo ka mira dhalinta xasiloonida, nabadda iyo horumarka.

Cabdifataax Al-Siisii ayaa markii saddexaad ku guuleystay madaxtinimada dalka Masar kadib markii uu helay 89.6% codadkii la dhiibtay doorashii dhacday bishii December ee lasoo dhaafay.

Al-Sisi ayaa xilka hayn doona ilaa laga gaaro 2030-ka kadib markii mudda xileedka Madaxweynaha Masar laga dhigay 6 sano.

Cabdifataax Al-Siisii (68 jir) waxa uu ahaa Wasiirka Gaashaandhigga intii u dhaxaysay 2012 ilaa 2013 iyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Sahanka Milliteriga intii u dhaxaysay 2010 ilaa 2012.

Waxa uu iska casilay ciidamada qalabka sida sannadkii 2014-kii si uu ugu tartamo xilka madaxweynaha, isaga oo noqday madaxweynihii sideedaad ee Masar.

Mar labaad ayaa loo doortay Madaxweyne 2018-kii, hadana waa markii 3-aad uu noqda madaxweynaha Masar.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here