Saturday, July 27, 2024

Qarax geystay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Dhadhaab

Gaarisa (Dawan)- Booliska  Gaarisa ayaa Jimcihii xaqiijiyay in ugu yaraan afar qof ay ku naf waayeen, 5 kalena ay soo gaareen dhaawacyo halis ah ka dib markii gaari ay saarnaayeen oo rakaab ahaa  uu dulmaray walxaha qarxa ee dhulka lagu aaso xilli ay marayeen inta u dhaxeysa Egge iyo Bogyar ee ku teedsan waddada Dhadhaab-Gaarisa ee duleedka magaalada Dhadhaab.  

Gaariga qaraxa lala beegsaday waxaa saarnaa 11 qof oo rakaab ah oo kamid yihiin Ugaas Amiin Ugaas Xasan iyo wiilkiisa, wuxuuna qaraxu burbur xooggan  gaarsiiyay  gaariga.

Gaariga la qarxiyay ayaa ku wajahnaa magaalada Kullan oo ka tirsan deegaanka  Dhadhaab oo lagu waday  in manta oo Sabti ah   ay ka dhacdo munaasabad lagu caleema saaraya  ugaas cusub.

Qaraxaan ayaa imaanaya iyadoo Guddoomiyaha Amaanka ee Ismamulka Gaarisa, Solomon Chesut uu xusay in ciidamada ammaanku ay ku guulaysteen in ay fashiliyaan 2-dii December isku day weerar oo ay Al-Shabaab ku doonayeen in ay ku qaadaan deegaanka uu hadda qaraxa ka dhacay

Solomon Chesut ayaa intaas raaciyay in iyada oo laga jawaabayo khatarta sii kordheysa in dadaal xoogan la geliyay tillaabooyinka ammaanka lagu xaqiijinayo ee Dhadhaab.

Al-shabaab ayaa billawday sannadkii 2011-kii weerarrada ay ka geysanayso gudaha dalkan Kenya, taas oo ay kaaga jawaabayso  go’aankii Kenya ay ciidamadeeda ugu dirtay Soomaaliya si ay qeyb ugu noqdaan howlgalka dib loogu soo celinayo nabadda iyo kala dambeynta

Kadib faragelinta ciidamada Kenya ee gudaha Soomaalia, waxaa Kenya gudaheeda  ka dhacay dhowr  afduub ay ku jiraan afduub loo geystay  dad dalxiisayaal iyo samafalayaal ah .

Weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ay soo abaabuleen dagaalamayaasha Al-Shabaab aya  ahaa weerarkii bishii April 2015 lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa ee ay ku naf waayeen ku dhawaad 150 qof, tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here