Saturday, July 27, 2024

ATMIS oo ammaanka Madaxtooyada ku wareejisay Ciidanka Soomaaliya

Muqdisho (Dawan)- Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee loo yaqaano ATMIS ayaa Ciidanka Soomaaliya ku wareejiyay maanta sugidda ammaanka Madaxtoyada Soomaaliya.

Wareejinta ay Ciidamada ATMIS sameeyeen ayaa calaamad muuqata u ah marxalladda cusub ee uu galay amniga guud ee dalka iyo amniga Madaxda Soomaaliyeed, kadib 16 sano oo ay ciidamo shisheeye sugayeen amniga Villa Somalia.

“Maanta, ATMIS waxay si rasmi ah ugu wareejisay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya amniga Madaxtooyada iyo Aqalka Baarlamaanka ee Muqdisho. Tillaabadan muhiimka ah waxay calaamad u tahay dib u billaabidda wejiga 2-aad ee bixitaanka ATMIS” ayaa lagu yiri qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya.

Xarumaha lagu wareejiyay Ciidanka Soomaaliya

200 oo askari oo u dhashay dalka Uganda ayaa maanta macasalaameeyay Villa Somalia, kuwaas oo qeyb ka ah qorshaha lagu doonayo in dhammaadka bishaan ay dalka uga baxaan ilaa 3,000 oo asgari.

Ciidamada Booliska Soomaaliya ee sida Miletariga u tababaran ayaa la wareegay amniga Madaxtooyada, xarunta Baarlmaanka iyo Wasaaradda Warfaafinta, iyada oo ilaa seddex asgari oo dhanka farsamada ka caawinaya ay soo joogi doonaan sida aan xog ku helnay.

ATMIS waxa ay sheegtay in wareejinta xarumaha dowladda ay udub dhaxaad u tahay geedi socodka kala guurka, iyada oo la fulinayo qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu ahaa 2710 kaas oo farayay in la dhimo joogitaanka Ciidamada Nabad Ilaalinta ilaa 3,000 marka la gaaro December 31.

Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa safafka hore uga jiray go’aamada masiiriga ah ee dalka loo gaarayay, waxaana adkayd in la’aantood wax la dhaqaajiyo muddadi 16-kii sano ee la soo dhaafay.

Mala gaaray xilligi ay Soomaaliya la wareegi lahayd amnigeeda?

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska La taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali, ayaa lagu yiri ” ATMIS waxa ay si rasmi ah maanta ugu wareejisay amniga Villa Somalia Ciidamada Amniga ee Soomaaliya. Arrintaan ayaa ah guul muhiim ah oo marag u ah horumarka wadajirka ah ee la sameeyay sannadihii la soo dhaafay”

Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, ayaa ku tilmaamay wareejinta amniga tillaabo muhiim ah oo muujineysa sida Soomaaliya ay diyaar ugu tahay inay si buuxda ula wareegto ammaanka.

“In Ciidamada Soomaaliya ay kala wareegaan Amniga Villa Somalia Ciidamada ATMIS waxa ay astaan muhim ah u tahay taariikhda Soomaaliya, waxa ayna muujineysa sida uu Dowladdu ugu diyaarsan tahay in ay la wareegto amnigeeda,” ayuu yiri Wasiir Daa’uud.

Wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya ay dhaqan gelineyso Qorshaha Amniga Soomaaliya (SSP) ee dhawaan la soo bandhigay, kaas oo awood u siinaya in la qalabeeyo ciidanka si ay amniga ugala wareegaan ATMIS.

“Kadib 16 sano oo ay si wadajir ah ay ciidamada Midowga Afrika iyo ciidamada Soomaaliya u wada shaqaynayeen, hadda ciidamada Soomaaliya oo kaliya ayaa mas’uul ka noqon doona ilaalinta xarumahan muhiimka ah. Qorshaha Amniga Soomaaliya ee dhawaan lagu ansixiyay magaalada New York ayaa Dowladda Soomaaliya u ogolaanaya in ay kaligeed qaadato mas’uuliyadda amniga. ” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka Warfaafinta.

Dhameystirka bixitaanka ATMIS

Danjire Maxamed El-Amine Souef, Madaxa ATMIS ahna wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa usbuucii hore qiray guulaha Soomaaliya ay ka gaartay xoojinta laamaheeda amniga iyo hirgelinta qaab dhismeedka Amniga Qaranka ee qorshaha kala guurka.

Wajiga labaad ee dhimista ayaa dib u dhac ku yimid muddo seddex bilood ah kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay codsatay in muddo 90 maalmood ah la sameeyo hakin farsamo.

June 2023 waxaa dalka laga saaray 2000 oo askari kuwaas oo ka tirsan ATMIS taas oo qeyb ka ahayd qorshaha ilaa 20,000 oo asgari ay dalka uga baxayaan dhamaadka 2024 oo ku asteysan muddada loo qorsheeyay in Ciidamada Nabad Ilaalinta ay uga baxaan Soomaaliya.

Rajo Walwal Xanbaarsan

Tillaabdaan ayaa dadka qaarkood u arkaan in ay tahay guul usoo hoyatay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya oo kalsooni siineysa Ciidamada Ammaanka, halka dhanka kale xeeldheerayaashu muujinayaan walwal dhanka ammaanka xarumaha dowladda ah.

In ay Dowladda Soomaaliya la wareegto sugidda iyo maamulka amniga dalka ayaa ah imtixaan cusub oo caalamku ka qaadayo Dowladnimada Soomaaliyeed iyada oo maalamaha soo socda ay marqaati kici doonaan sida ay Soomaalidu uga fal celiso.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here