Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya iyo dowladaha ka caawiya amniga oo ku shiray London

London (Dawan)- Kulankii lixaad ee Soomaaliya iyo dowladaha saaxibada la ah ee ka taageera dhinaca amniga ee kala ah Mareykanka, Britain, Qatar, Turkey, iyo Imaaraadka Carabta, ayaa Talaadadii ka dhacay magaalada London.

Dowladahan oo loo yaqaano “5 Geesoodka Taageerada Soomaaliya” ayaa mas’uuliyiinta Soomaaliya kala hadlay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka iyo sidii loo sii xoojin lahaa wadashaqeynta howlahooda.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar ayaa bartiisa X ku qoray in kulanku ahaa mid mira dhal ah kaas oo lagu lafa guray kor u qaadsita tillaabooyinka dhanka amniga ah iyo xoojinta horumarka siyaasadeed.

Ergeyga Gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Faysal bin Cabdullaahi oo ka qeyb galay kulanka, ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo dadaallada lagu taageerayo amniga, xasilloonida, midnimada, iyo madaxbannaanida dhulkeeda Soomaaliya, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Qatar.

Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee kulanka ka qayb galay, waxaa ka mid ah La-taliyaha Amniga Qaranka , Xuseen Sheekh Cali.

Waa Maxay “5 Geesoodka Taageerada Soomaaliya”

Markii Madaxweyne Xasan Sheekh dib loo doortay 15-kii May 2022, waxa uu billaabay abaaulka dhismaha koox loogu magac daray “5 Geesoodka Taageerada Soomaaliya”: kuwaas oo kala ah Mareykanka, Ingiriiska, Turkiga, Isutagga imaaraadka Carabka iyo Qatar oo ah dalalka sida xooggan ugu lugta leh ammaanka Soomaaliya oo siyaabo kala duwan u taageera ciidamada Soomaaliya.

Ujeedka loo sameeyay kooxdan ayaa ah mideynta taageeradooda milatari iyo ka fogaanshaha iska hor imaadka danahooda maadaama ay dhamaantood ku lug leeyihin laamaha amniga ee Soomaaliya, waxeyna hore ugu kulmeen magaalooyinka Dooxa, Ankara, New York iyo laba jeer oo Abu Dhabi ah.

Kaalinta Turkiga

Dowladda Turkigu waxay gudaha Soomaaliya ku leeyahay xarunta ugu weyn ee tababar ciidan, waxayna soo saartaa kumannaan ciidan ah oo leh tababaro heer sare ah, qeyb weyna waxa ay ka qaadata hubeynta ciidamada, iyada oo xilliyadii ugu dambeyay ku biirtay howlgallada lagula dagaallamayo ururka Al-Shabaab.

Kaalinta Imaaraadka

Imaaraadku waxay gudaha Soomaaliya ku leeyihiin xiryo tababar, iyaga oo soo saara kumannaan ciidan ah, waxayna qeyb weyn ku leeyihiin taageerada dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto uruka Al-Shabaab.


Kaalinta Mareykanka

Kaalinta Mareykanka waxaa lagu tilmaamaa kaalinta ugu ballaaran ee dowlad ka qaadan karto ammaanka Soomaaliya, waxa uu tababarro u fidiya ciidamo tira badan oo Soomaali ah, qaarkood waxaa lagu tilmaama kuwa xirfadda ugu sarreysa ee ciidanimo leh ilaa iyo hadda.

Markeykanku waxa uu sidoo kale qeyb ka yahay dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto dagaalamayaasha Al-Shabaab. Hwlgallada ciidamada iyo sidoo kale taageero dhanka cirka ah ayaa laga xusi karaa howlaha waaweyn ee Mareykanku ku leeyahay ammaanka Soomaaliya.


Kaalinta Ingiriiksa

Dowladda Ingiriiska ayaa ku bixisa amniga Soomaaliya taageero maaliyadeed, waxayna gudaha Soomaaliya ku leeyihiin xero tababar oo soo saarta ciidamo Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ingiriisku waxa uu taageero diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale siiyaa ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

kaalinta Qatar

Dowladda Qatar ma bixiso taageero ciidan oo toos ah sida tababaro laakin waxey taageero dhaqaale oo xooggan sida dhismaha xeryaha ciidamada, qalabeynta iyo waxyaabo lamid ah ku taageertaa dowladda Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here