Saturday, July 27, 2024

Baarlamaanka oo ansixiyay wax ka bedelka Dastuurka

Muqdisho (Dawan)- Baarlamaanka Soomaaliya (Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka) ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay wax ka bedelka lagu sameeyay cutubka 1-aad ilaa 4-aad ee Dastuurka kumeel gaarka ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur “Madoobe” ayaa ku dhawaaqay in kulanka maanta ay soo xaadireen 254 xubnood (212 Golaha Shacabka iyo 42 Aqalka Sare ) ay dhamaantood u codeeyeen isbedelka lagu sameeyay afarta cutub ee ugu horeysa Dastuurka.

Afartaan cutub ee la ansixiyay ayaa kala ah; Baaqa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xuquuqda asaasiga ah iyo waajibaadka muwaadinka, Dhulka, Hantida iyo Deegaanka iyo Mataaladda Shacabka.

Laga soo billaabo furitaankii kalfadhigii afaraad ee Baarlamaanka (25-kii November 2023), waxa ay labada Aqal yeesheen 17 kulan oo looga dooday wax ka bedelka Dastuurka gaar ahaan cutubyada 1-aad ilaa 4-aad, waxaana argatidooda ka dhiibtay ilaa 303 xildhibaan, sida uu sheegay Guddiga madax bannaan ee Dastuurka.

Wax ka bedelka Dastuurka, waxaa si cad uga horyimid qaar ka mid ah xildhibaanada oo ay hoggaaminayaan madaxweynaalkii hore ee Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyada oo ay sidoo kale ka biya diiday Puntland

Qodobada khilaafku ka jiro ee isbedelka lagu sameeyay, waxaa ka mid ah iyada oo laga guurayo hannaanka Baarlamaanka loona guurayo hannaan madaxtooyo, waxaana si toos ah madaxweynaha usoo dooran doona shacabka.

Waxaa khilaaf xoogan ka jira sidoo kale tirada Xisbiyada, wuxuuna qoraya nuqulka ugu dambeeya ee wax ka bedelka Dastuurka in dalku yeelanyo saddex Xisbi oo kaliya.

Arrimaha kale ee ay mucaaradku ka biya diideen ayaa ah qaabka loo maamulayo doorashooyinka, waxeyna ku eedeeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh inuu sameynayo guddi doorasho oo haldhinac ah kaas oo maamuli doona doorashooyinka maamul goboleedyada iyo doorashada guud ee dalka.

Isbedelka cusub ee lagu sameeyay dastuurka ayaa sidoo kale qeexaya in madaxweynuhu magacaabi karo sidoo kalena xilka ka qaadi karo ra’iisul wasaaraha iyada oo aan loo baahan Baarlamaanka.

Muddada xilheynta hay’adaha la doorto ayaa laga dhigay shan sano, sida lagu xusay nuqulka kamadambeysta ah ee Dastuurka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here