Saturday, July 27, 2024

Bacaadka oo halis gelinaya nolosha reer Baraawe

Baraawe (Dawan)- Sannado badan oo isagu jira jarista dhirta iyo ka baayac mushtarka dhuxusha, waxey dalkeena Soomaaliya dhaxlsiisay inuu noqdo goob ka caagan deegmaysi lagu noolaan karo.

Dhibaatada is beddelka cimilada  ayaa aafo weyn ku ah in ka badan 35,000, oo ku nool magaalada Baraawe kuwaas oo guryahahoodi duugay Bacaad.

Dadka deegaanka aaya sheegay in ciidda ka timaada dhanka xeebta ay saameyn weyn ku yeelatay  noloshooda deegaaneed iyo qaab dhismeedka guryaha magaalada Baraawe.

Jarista iyo gubista  geedaha, fallista cowska iyo fahan la’aanta dadka ka heysata isbeddelka cimilada ayaa loo sababeynaya in Bacaadku halis geliyo nolosha dadka deggan magaalada Baraawe oo wajaheysa mid ka mid ah dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.  

Qashinka oo lagu daadiyo xeebaha, guryo ay baddu liqday iyo kuleyl aan dabiici ahayan ayaa sidoo kale magaalada Baraawe kusoo batay, waana astmaaha isbeddelka cimilada ee dunidu maanta kula jirto loollanka adag.

Bacaadka ayaa dhibaato ku weyn ku ah dhaxalka jiilal badan, kadib markii uu xabaalay ceelashii biyaha laga cabi jiray magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose

Dadka deegaanka ayaa sheeegay in  Bacaadku dhibaato weyn ku haayo Baraawe maadama uu yaraaday roobkii ka da’i jiray magaalada sannadihii lasoo dhaafay, waxeyna  ka codsadeen  mas’uuliyiinta dowladda iyo hay’adaha  caalamaiga inay wax ka qabtaan dhibaatada kusoo badaneysa  dadka deggan Baraawe.

Wasiiradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Khadiija Maxamed Al-makhzoumi  ayaa booqasho u guur gelid ah ku tagtay magaalada Baraawe, waxeyna  dadka deegaanka ka  dhegeysatay warbixino la xiriira dhibaatada iyo saameynta uu Baacadku ku yeeshay magaalada.

Wasiir Khadiija  ayaa sheegtay in  wax laga qabanaayo Bacaadka iyo dhibaatooyinka kale ee isbeedellada cimiladu sababeen, iyada oo laga shaqeyn doono sidii loo samyn lahaa Bcaad celin, beerista geedaha iyo qor u qaadis loo sameynaayo wacyiga dadka Soomaaliyeed si ay uga hor tagaan dhibaatada isbeddelka cimilada.

Wasiiradda ayaa tiri “ Bacaadka waa halista ugu weyn ee ay Baraawe wajaheyso. Jiritaanka deegaanka iyo nolosha bulshada ku nool waxay ku xiran tahay sida aan wax uga qabano ka hortaga bacaadka aasaya magaalada iyo deegaannada ku hareeeysan

Wasiiradda iyo mas’uuliyiinta kale ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed oo fulinaaya qorsahda Soomaali cagaaraan ayaa geedo ku abuuray magaalada Baraawe si loo baajiyo dhibaatada iyo aafooyinka isbeddelka cimilada ee kusoo wajahan dadka iyo deegaanka magaalada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah furay sannadkii hore qorshaha Qaran ee Soomaaliya cagaar ah, kaas oo ah in la beero  10 Malyan oo geed si loo dhireeyo dalka logana hor tago isbeddelka cimilada.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa daal badan ku bixisay badbaadinta deegaanka iyo duunyada iyada oo ka duuleysa barnaamijka Soomaliyada cagaaraan si looga hor tago aafooyina isbedelka cimilada

Golaha aqalka sare ayaa dhawaan meel mariyay xeerka ilaalinta iyo maareynta deegaanka oo ay wasaaraadu soo gudbisay kaas oo wax badan ka tari doona arrimaha deegaanka.

Wasiiradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Khadiija Maxamed Al-makhzoumi ayaa ka mahadcelisay meel marinta xeerka, waxeyna hoosta ka xariiqday in sharcigaan awood u siin doono ilalinta deegaanka iyo nolosha dadka

Wasiiradda ayaa intaas ku dartay in sharcigaan yahay bud-dhigga nidaam isla xisaabtan oo xakameynaya xaalufinta iyo wasaqeynta deegaanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here