Saturday, July 27, 2024

Farmaajo iyo Shariif kee xogan doona kaarka mucaaraddada?

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynayaalkii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan kulan aan si rasmi ah loo shaacin ku yeeshay magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga.

Waxay doorteen goob  xasiilloon kana fog indhaha Soomaalida si ay u faqaan arrimo dal dhibaatooyin is biirsaday la daallaadhacaya.

Mid kamid ah qolalka Hotel Sheraton ayey laba habeen oo is xiga ku falanqeeynayeen dhacdooyinka 13 sano ee la soo dhaafay.

Shariif ayaa  bartanka uga tagay gogol nabadeed oo taallay Burdiimeed, oo ah tuulada reerkiisa oo dhacda Shabeellaha Dhexe, halka  Farmaajo dibbad joog ku ahaa caasimadda dalka Qatar ee Dooxa, tan iyo markii uu Villa Somalia ka baxay.

Labada madaxweyne aad ayey isku yaqaanaan, is garabsi siyaasadeed ayaa hore u dhax maray dhowr jeer, marna waxeyba ahaayeen madaxweyne iyo ra’iisul wwasaarihiisa laakin hadda waxaa labadooda kulmiya:

1-  Mucaaraddada xooggan oo ay u hayaan nidaamka talada iminka haya.

2-  Iyo damaca xilka madaxweynaha oo ay wada garanayaan dhadhankiisa.

Kulanka lagama helin xog rasmi, balse labada dhinac mid waliba waxa uu nasiiyay xogo is khilaafsan.

Kooxda ku dhow Shariif; waxay tibaaxeen in Farmaajo bixiyay raalligelin ku saabsan gabood fallo uu Shariif kula kacay muddadii uu xilka hayay.

Halka dhanka Farmaajo, ay xuseen in kulanku sheeko iyo salaam ku ekaa.

Wax yar kadib markii uu warkaan soo baxay ayuu si aan looga baran madaxweynihii hore Farmaajo, waxa uu bogaadiyay ciidamda iyo dadaallada socda ee dalka looga xoreynaayo xoogaga Al-shabaab, isaga oo yiri:

“Howl-galadda dalkeenna looga xoreynayo argagixisada inoo diiddan nolasha, amniga iyo horumarka waa qorshe qaran oo soo socday dhowr iyo tobonkii sano ee u danbaysay, waxaana waajib ah in la garab istaago ciidanka xoogga, si aan u xaqiijinno dalkeenna oo xor ka ah argagixisada”

Deg-deg iyo diyaargaroow la’aan ayaa laga dheehan karaa qoraalkiisa.

Waxay si cad u khilaafeysaa aragtida Shariif oo dhaliilay hannaanka howlgalka ciidamada, xoog badanna saaray bidhaaminta jabka ciidamada, wuxuuna qoray:

“Waxaan ku baaqayaa in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo qaabkii loo maareeyey weerarkii argagaxisadu ku qaadday deegaanka Cowswayne, waxaan si gaar ah ugu baaqayaa guddiga difaaca ee BFS inuu baaris dhab ah ku sameeyo sidii weerarkaas ciidamada badan nooga baxeen u dhacay iyo saraakiishii u xil saarnayd aaggaas”

Waa ciyaar siyaasadeed shacabku yihiin kuwa  go’aamada gaaraya.

Sidaas darteed, dhanka Farmaajo waxa ay fahansan yihiin halka ay dabeyshu u socoto, halka madaxweyne Shariif uu u muuqdo mid u dabbaalanaya halka uu hirku ka xigo.

Xeel-dheerayaasha arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa u arka in ay xilli hore tahay in la dhiso is-baheysiyo mucaarad ah.

Howlgalka uu madaweynaha talada haya ku dhawaaqay ee ka dhanka ah Al-shabaab, ma heysto taageerada siyaasiyiinta waaweyn, haddana ma wajahayo mucaarado toos ah oo dhankooda ka imaaneysa.

Labadaan madaxweyne iyo labadii ra’iisul wasaare ee u dambeysay, waxaa taageero buuxda u haya maadaxweyne Xasan kaliya Ra’iisul wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, waxa uu bulshada la hadlay 44 jeer, 22 ka mid ah waxa uu dhaliilay hannaanka ay howlaha dowladdu ku socdaan. 9 Jeer waxa uu ka tacsiyeeyay dagaallo ciidamadu ku jabeen.

4 Jeer oo kamid ah ayuu bogaadiyay howlgal ciidanku sameeyeen.

Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii hore, waxa uu bulshada la hadlay 86 jeer, 19 kamid ah ayuu arrimaha ciidamada ka hadlay, 17 jeer ayuu dhaliil jeediyay, halka 2 jeer oo kaliya uu bogaadiyay.

Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxa uu bulshada la hadlay 44 jeer, 3 ka mid ah ayuu arrimaha ciidamada soo hadal qaaday, 2 jeer ayuu dhaliil jeediyay halka uu hal jeer bogaadiyay howlgalka ciidanka.

Saddexda mas’uul ee aan soo xusnay waa kuwa saameyn ku dhex leh Beelahooda, Ganacsatada, waddamo Soomaaliya taageera iyo ciidamada dowladdaba, sidaasi darteed ayey dowladda muhiim ugu tahay taageeradooda.

Kulan uusan madaxweynihii hore Farmaajo ka qeyb galin oo Muqdisho ka dhacay ayuu Madaxweyne Xasan iskugu dayay kasbashada taageeradooda, balse waxa uu u muuqdaa mid aysan wax weyn ka soo naasa caddaan, una  baahan in xisaabaadkiisa dib loogu laabto.

Shariif iyo Farmaajo waa saaxibo hore hadana ay ka muuqato inay sii cusbooneysaan rabaan is-baheysigooda siyaasadeed balse kee xogan doona kaarka mucaaraddada?

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here