Wednesday, August 6, 2025

Baydhabo oo martigelisay shirka gargaarka bani’aadannimo ee 2025

Baydhabo (Dawan) – Shirka Qaran ee Gargaarka Bani’aadannimo ee 2025 (CHF) ayaa si rasmi ah uga furmay maanta magaalada Baydhabo, iyadoo ay isugu yimaadeen daneeyayaal gudaha iyo caalami ah si ay uga wada hadlaan baahiyaha gargaarka ee ugu daran ee ka jira Soomaaliya, loogana shaqeeyo hannaan isku-dhafan oo ay Soomaalidu hormuud u tahay.

Shirka waxaa si rasmi ah u furay Cali Siciid Fiqi, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne Ku-meel-gaar ah ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, kaasoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in mudnaanta la siiyo maalgelinta adkeysiga gudaha halkii laga sii wadi lahaa ku tiirsanaanta gargaar dibadeed.

“Soomaaliya waa inay ka gudubtaa ku tiirsanaanta gargaarka shisheeye. Maalgelinta adkeysiga bulshada — oo ay ku jiraan nabad-dhisidda iyo wax-soo-saarka — waa tiirka horumarka qaranka,” ayuu yiri Fiqi.

Shirkan waxaa soo qabanqaabiyay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), iyadoo kaashanaysa maamulka Koonfur Galbeed. Waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiin heer federaal iyo heer maamul-goboleed, wakiillo ka socda Qaramada Midoobay, hay’ado maxalli ah iyo caalami ah, ururrada bulshada rayidka, diblomaasiyiin iyo ganacsato.

Shirka oo lagu qabtay hal-ku-dhegga:
“Xoojinta Gargaarka Maxalli ah, Ka-qaybgalka Bulshada, iyo Adkeysiga iyadoo loo Marayo Jawaab Isku-dhafan oo Waarta”,kaas oo ujeedadiisu tahay in la horumariyo isku-dubaridka gurmadka ay Soomaalidu hoggaanka u hayaan, lagu kordhiyo isla xisaabtanka maaliyadeed, isla markaana gargaarka degdegga ah lagu xiro qorshayaasha horumarineed ee fog.

Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallim Cabdulle, ayaa furitaanka ka jeediyay khudbad uu ku sharraxay baaxadda xaaladaha bani’aadannimo ee dalka, isagoo tusaale u soo qaatay abaarta ka jirta gobolka Awdal oo saameysay in ka badan 600,000 qof, iyo barakaca ka dhashay colaadaha Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Gedo.

“Dowladdu waxay qaaday tallaabooyin ay ka mid yihiin ballanqaad lacageed oo gaaraya $500,000 iyo deeq kale oo $200,000 ah oo ka timid Maamulka Gobolka Banaadir,” ayuu yiri Macallim.“Laakiin taasi ma filna — waxa loo baahan yahay in ganacsatada, jaaliyadaha dibadda iyo bulshada maxalliga ah ay si xooggan uga qayb qaataan.”ayuu ku daray

Wuxuu sidoo kale adkeeyay in la sameeyo dib-u-habeyn lagu sameeyo sida gargaarka loo maamulo, isagoo ku baaqay in la xoojiyo lahaanshaha maxalliga ah, qorsheynta ay bulshadu ku lug leedahay, iyo in Soomaalidu ay hoggaan u noqdaan jawaabahooda bani’aadannimo.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxday SoDMA, Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Isku-duwaha Gargaarka Bani’aadannimo ee Soomaaliya, George Conway, ayaa ka digay hoos u dhac ku yimid maalgelinta gargaarka bani’aadannimo oo uu sheegay inay khatar gelisay adeegyo muhiim ah.
Wuxuu ugu baaqay beesha caalamka, hay’adaha Qaramada Midoobay, NGOs, dowladda, ururrada bulshada rayidka ah, ganacsiga, iyo qurbo-joogta Soomaaliyeed in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan gurmadka.

“Waa masuuliyad wadajir ah — cid keliya ma xamili karto baahida baaxadda leh ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri hadalka Conway ee SoDMA soo xigatay.

Cabdiraxmaan Galaanbe, Guddoomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, ayaa sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan SoDMA iyo hay’adaha kale ee dowladda si loo mideeyo dadaallada gurmadka.

“Ganacsatadu diyaar bay u yihiin — waxaana rajaynaynaa inaan si dhow ula shaqayno SoDMA si waafaqsan istiraatiijiyadooda,” ayuu yiri Galaanbe.

Shirka waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay sidii loo horumarin lahaa ka-qaybgalka bulshada, loo hagaajin lahaa hababka maalgelinta, iyo sidii gargaarka bani’aadannimo loola xiriiri lahaa qorshayaasha horumarineed si wax looga qabto caqabadaha daba-dheeraaday sida barakaca, cunno yari, iyo saameynta isbedelka cimilada.

Shirka CHF ee 2025 ayaa kusoo beegmaya xilli malaayiin qof oo Soomaaliyeed ay wali wajahaan xaalado bani’aadannimo oo ba’an.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here