Monday, May 20, 2024

Nuxurka Khudbadda Madaxweyne Geelle ee BRICS

Johannesburg (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Guddoomiyaha urur goboleedka IGAD ayaa khudbad ka jeediyay shirkii dowladaha ku bahoobay ururka BRICS iyo dowladaha Afrika ee lagu soo gabagabeeyay magaaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Madaxweyne Ismaaciil ayaa khudabaddiisa uga hadalay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya isbaheysiga BRICS iyo dowladaha Afrika iyo in sidoo kale la ballaariyo dowladaha ururka BRICS.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sheegay in xiriir wanaasgan oo soo jiraan ah ka dhaxeeyo dowladda Shiinaha iyo Afrika kaas oo sannadihii danbe sii xoogeystay, isaga oo sheegay in ladba dhinac kawada shaqeeyaan iskaashiga maalgashiga, warashadaha, waxbarashada iyo isweydaarsiga khibradaha.

Geelle ayaa sheegay in Geeska Afrika aya ku noolyihiin in ka badan  300, oo milyan, taas oo tilmaameysa in Geeska Afrika  u yahay dowladaha kale suuq iyo  goob la maal gashan karo.

Madaxweyne Geelle ayaa xusay in isbeddelka  cimiladu ku yeeshay  saameyn xun gobalka Geeska Africa, wuxuuna ku baaqay in la xooojiyo dadaalada  wax looga qabnaayo isbeddelka cimilada si looga hortago dhibaatooyin badan oo kusoo wajahan gobolka.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sidoo kale  ka codsaday hay’adaha caalamiga ee maal geliya dalalka ay  dhibaatadu kasoo gaarto isbeddelka  cimilada inay si degdgeg ah wax uga qabtaan Geeska Afrika, si loo yareeyo isbeddelka cimilada.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in dowladaha urur goboleedka  IGAD iyo ha’aydda FAO  ay dadaalo badan ku bixiyeen iskaashiga dhinaca dalaga iyo beeraha si kor luuqu qaado wax soo saarka cunnada.

Dowladaha ku bahoobay BRICS ayaa sii xoojiyay isabaheysigooda kadib markii ay ogolaadeen in ay kusoo biiraan lix dowladood oo cusub.

Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, ayaa xaqiijiyay in shir madaxeedkii ka dhacay magaalada Johannesburg lagu ogolaaday in dowladaha Itoobiya, Iiran, Sacuudi Carabiya , Imaaraadka Carabta, Masar iyo Argentina ay kusoo biiri karaan isabaheysiga BRICS, laga bilaabo Janaayo 2024.

Waxaa xusid mudan in ku dhawaad ​​labaatan waddan ay soo gudbiyeen codsi rasmi ah oo ay ku doonaayaan in loo ogolaado kaga mid noqoshada isbaheysiga BRICKS oo ah urur ay dhidibada u taageen dowladaha Brazil, Ruush, Hindiya, Shiinaha iyo Koonfur Afrika.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here