Saturday, July 27, 2024

Beesha caalamka oo ku baaqday in la joojiyo colaadda Laascaanood

Laascaanood (Dawan) Beesha caalamka oo warsaxaafadeed kasoo saartay xaaladda Laascaanood ayaa cambaareysay colaadda sii baaheysa iyo dagaalada soo cusboonaaday ee u dhaxeeya maamulka Soomaaliland iyo xoogaga SSC Khaatumo.

Beesha caalamaka ayaa ugu baaqday labada dhinac xabbad joojin shuruud la’aan ah

“Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada inay ku heshiiyaan xabbad joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah. Waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo abaabulka dagaalyahannada, iyo saadka iyo hubka la siinayo. Waxaan aad uga walaacsanahay warbixinnada sheegaya inay jiraan tiro badan oo maxaabiis ah” ayaa lagu yiri bayaanka Beesha caalamka.

Bayaanka aya sidoo kale lagu sheegay in loo baahanyahay in gargaar bini aadanimo la gaarsiiyo dadka ay dhibaatadu kasoo gaartay dagaalada ka socda Laascaanood muddada dheer.

SSC Khaatumo ayaa dhawaan dagaal kula wareegay Goojacadde oo fariisin ciidan u ahayd Soomaaliland, waxeyna ballan qaadeen inay is difaaci doonaan haddii lasoo weeeraro.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa qiray in ay soo gaartay guul darradii ugu xumeed inta uu socday dagaalka Laascaanood, isaga oo ku goodiyay inay aarsan doonaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here