Saturday, July 27, 2024

Biden iyo Trump oo markale foodda is dari doona doorashada madaxtnimada

Washington (Dawan)- Labada musharrax ee u tartamaya doorashada madaxtinimada Mareykanka, Joe Biden iyo Donald Trump, ayaa ku guuleystay tiro ku filan codadka ergada Talaadadii, si ay u xaqiijiyaan magacaabista xisbiyadooda Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga.

Madaxweynaha hadda haya talada Mareykanka Joe Biden iyo madaxweynihii ka horreeyay Donald Trump ayaa isku arki doona markii labaad oo isku xigta doorashada madaxtinimo ee Mareykanka.

Natiijooyinka doorashooyinka hordhaca ah ee labada xisbi ee Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga ee gobolada Georgia, Mississippi, iyo Washington ayaa la filaayay in ay labadoodu ku guuleystaan ka dib markii ay ku guuleysteen dhammaan tartamadii doorashada ee xisbiyadooda.

Biden wuxuu u baahnaa codadka 1,968 ergo si uu ugu guuleysto magacaabista Xisbigiisa, basle waxa uu helay tira intaas ka badan fiidnimadii Talaadada.

Biden ayaa soo saaray bayaan ka dib markii uu ku guuleystay magacaabista xisbiga Dimoqraadiga, isaga oo weerar afka ah ku qaaday siyaasadda Trump ee ku dhisan xanaaqa iyo aargoosiga khatarta ku ah jiritaaanka Mareykanka, sida uu Biden sheegay.

Waxa uu intaa ku daray: “Codbixiyayaashu hadda waxay haystaan ​​inay go’aan ka garaan mustaqbalka dalkan. Ma difaaci doonaan dimoqraadiyaddayada mise waxey u ogolaan doonnaan kuwa kale inay wiiqaan? ma soo ceshan doonnaa xaqa aan u leenahay inaan wax doorano oo aynu ilaalinayno xorriyaddeena mise waxaynu u ogolaan doonaa kuwa xagjirka ah inay naga qaataan?

Saacado ka dib, Trump waxa uu helay codadka 1,215 ergo oo looga baahnaa si uu u xaqiijiyo metelaadda xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxtinimada bisha Novemeber ee soo socota.

Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayuu Trump ku sheegay in aan la joogin waqti la dabaaldego, taa beddelkeedana waxa uu diiradda saaray sidii uu uga adkaan lahaa Biden oo uu ku tilmaamay in uu yahay madaxweynihii ugu xumaa ee soo mara taariikhda Mareykanka.

Waxa uu yiri: : “Waxaan qodaynaa Shidaalka. Waxaan xiri doonaa xuduudaheena. Waxaan sameyn doonaa waxyaabo aanu qofna hore u arag. Waxaan ka dhigi doonaa dhaqaalaha dalkeena kan ugu wanaagsan adduunka. “

Trump ayaa lagu soo oogay afar kiis oo danbi ah, waxaana uu dalbanayaa in dib loo dhigo maxkamadeyntiisa inti suurtagal ah, ilaa doorashada madaxtinimo kadib.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here