Saturday, July 27, 2024

Booliska Somaliland oo ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay 2023

Hargeysa (Dawan)- Booliska Somaliland oo maanta u dabaal degaya munasibadda xuska sanad-guurada 30-aad ee aas-aaska Booliiska Somaliland ayaa faahfaahin ka bxiyay waxyaabihii u qabsoomay sannadkaan 2023.

Taliyaha hoggaanka Booliska Somaliland, Ibraahim Cabdi Xaaji ayaa sheegay in Boolisku ka howl galay kiisas dembi oo gaaraya 28,563 kuwaas oo qaarkood la xalliyay kuwa kalena ay caddaan weyday dambi ahaantooda halka ay jiraan kiisas weli ay socoto maxkamadooda.

Taliyuhu waxa uu sheegay in kiisaska dilka ah ee ka dhacay Somaliland sannadkaan in ay yihiin 66 dil, iyada oo lasoo qabtay 57 gacan ku dhiigle kuwaas oo ka mid ah 66, waxaana weli lagu jiraa baadi goobka sida lagu soo qaban lahaa 9-ka kale.

Dhanka kale, kiisaska kufsiga ee Somaliland ka dhacay ayaa gaaraya 378 oo ay ku eedeysanyihiin 383 qof sida uu lagu sheegay warbixinta Booliska.

Sidoo kale, warbixinta Booliska waxaa lagu xusay in ay guud ahaan Somaliland ay ka dhaceen shilal gaari oo gaaraya 6,536, iyada oo la diiwaan geliyay in ay naftooda ku waayen dad lagu sheegay tiradooda 198, halka uu dhaawac kasoo gaaray 4,890 qof, wax yeelana ay kasoo gaartay 3, 782 gaari

Dadka lagu soo eedeyay sannadkaaan falalka argagixiso ayaa gaaraya 58 qof, waxaana dadkaas u kala qeysameen qaar lagu helay dambiga, kuwa lagu waayay iyo qaar aan weli natiijo laga gaarin.

Booliska Somaliland ayaa warbixtiisa ku caddeeyay in ay diiwan geliyeen 13 carruur oo lasoo tuuray kuwaas oo 7 ka mid ah ay dhinteen halka kuwa ay kale loo helay xannaano.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda ka qeyb galay ayaa hoosta ka xarriiqay in muwaadiniinta iyo madaxda Somaliland ka war qabaan dadaaalka dheeriga ah ee ay qabtaan ciidamada Booliska oo had iyo jeer u taagan wax ka qabashada nabadda iyo xasiloonida guud ahaan Somaliland.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here