Saturday, July 27, 2024

Wasaaradda Gaashaandhigga oo baareysa xiisadda dagaal ee Jowhar

Muqdisho (Dawan)- War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladdu ay baaritaan ku samayn doonto xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Jowhar ee u dhaxaysa labada ciidan ee Hirshabeelle iyo Danab oo ka tirsan millitriga Soomaaliya, iyada oo caddeysay in maxkamadda iyo cadaaladda la horgayn doono shakhsiyaadkii ku lug lahaa dagaalka.

3-da October ayeey ahayd markii Ciidamo ka kala tirsan Danab iyo kuwa Hirshabeelle uu dagaal ku dhex maray magaalada Jowhar ee xarunta maamul goboleedka Hirshabeelle.

Dhimadashada hal askari oo Danab ah, dhaawaca askari kale iyo geerida qof shacab ah ayuu sababay dagaalka.

Mar kale, shalay waxaa nawaaxiga garoonka diyaaradaha Jowhar dagaal ku dhex maray ciidamada Danab oo ka tirsan militariga Soomaaliya iyo ciidamada Hirshabeelle.

Wararka ka imaanaya Jowhar ayaa sheegaya in saakay ciidamo tira badan iyo gaadiid dagaal la soo dhoobay, kuwaas oo difaac kaga jiro qeybo kamid ah magaalada Jowhar.

Ciidamada Danab ayaa gebi ahaan diiday in mas’uuliyiinta Hirshabeelle ay ka baxaan garoonka diyaaradaha Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka Hirshabeelle, iyada oo aan la soo qaban shakhsigii dilka askariga Danab u geystay dagaalkii Jimcihii dhex maray labada ciidan, waxayna saraakiisha Danab ku eedeyeen Maamulka Hirshabeelle in uu doonayo in gacan ku dhiig laha si hoose loo geeyo magaalada Muqdisho.

Ma ahan markii ugu horeysay ee ciidan kawada tirsan laamaha dowladda ay isku dhacaan, waxaana inta badan ka dhasha khasaara nafeed iyo mid hantiyadeed, inkasta oo ugu dambeyn lagu dhameeyo wada hadal.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here