Sunday, May 19, 2024

Brunei.. dal ay dadkiisa Muslimka aan ahayn soomaan bisha Ramadaan

Bandar Seri Begawan (Dawan)- Dalka Brunei oo lagu tiriyo inuu ka mid yahay dalalka ugu hodonsan dalalka Muslimiinta, waxaa ka jira caadooyin iyo dhaqamo u gaar ah marka ay dhalato bisha Ramadaan.

Maalinta koowaad ee bisha Soon, waxa ay ka mid tahay maalmaha fasaxa rasmiga ee dalku leeyahy, iyada oo guud ahaan dalka looga dabaal dego dhalashada bisha barakeysan ee Ramadaan.

Dhaqamada cajiibka ee dalkaas leeyahay, waxaa ka mid ah in muwaadiniinta aan Muslimiinta ahayn ay la soomaan kuwa Muslimiinta ah ee soonku waajib ku yahay, iyada oo arrintaan looga gol leeyahy xoojinta wada noolaanshaha iyo is dhaxgalka bulshada.

Arrinta kale ee yaabka leh ee ka dhacda dalka Brunei inta lagu guda jiro bisha Ramadaan ayaa ah in Boqorka dalku uu si shakhsi ah uga qeyb qaato diyaarinta cuntada suxuurta ee la siiyo dadka ku cibaadeysanaya Masjidka ugu weyn dalka, iyada oo ay goob joog yihiin xubnaha golihiisa wasiirada.

Brunei waa Boqortooyo Islaami ah oo ku taal xeebta waqooyi ee jasiiradda Borneo ee Koonfur-bari Aasiya. Waxa ay xornimada ka qaadatay Boqortooyadii Britain sannadkii 1984, bedkeeduna waa 5.7 kun oo kiiloomitir laba jibaaran.

Dadka Brunei ayaa ku jira kuwa ugu nolosha fiican dunida, waxeyna dowladda ka helaan adeegyo haqab tira baahidooda lagamana qaado wax canshuur ah.

Waxaa lagu qiyaasaa in dadka Brunei ay 78% yihiin Muslimiin, halka ay 8% ay yihiin Christian iyo 7% Buddhist .

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here