Gaarisa – Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS), Mustafe Muxummed Cumar, ayaa gaaray magaalada Gaarisa, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Wafdigan oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha DDS ayaa waxaa soo dhoweeyay masuuliyiinta gaarisa , odoyaasha dhaqanka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweynaha DDS ayaa sheegay in markii ugu horeysay ay tahay oo ay booqasho ku yimaadaan magaalada Gaarisa, isaga oo hoosta ka xariiqay in loo baahanyahay in masuuliyiinta gaarisa ay iyaguna booqasho ku yimaadaan magaalada Jigjiga ee caasimada deegaanka soomaalida
Guddoomiyaha Ismaamulka Gaarisa, Nadiif Jaamac, oo wafdiga qaabilay ayaa ka qeyb qaatay kulamo iyo wadaxaajood qoto dheer oo lala yeeshay wafdiga, kuwaas oo looga hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan xiriirka labada dhinac iyo iskaashiga ka dhexeeya.
Mustafe Muxummed Cumar Madaxweynaha DDS ayaa sidoo kale socdaal kusoo maray magaalada Nairobi ee dalka kenya.
Socdaalkan rasmiga ah ee wafdiga madaxweynaha deegaanka soomaalida ayaa qayb ka ah booqashooyin iyo kulamo ay ka wadaan qeybaha kala duwan ee dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada ay Soomaalidu degto.