Saturday, July 27, 2024

Geelle oo ka digay saameynta ka dhalan karta dagaalka Bariga Dhexe

Banjul (Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa magaalada Banjul ee dalka Gambia kaga qeyb galay shir-madaxeedka 15-aad ee Ururka Iskaashiga Islaamka.

Shirka ayaa looga hadlay amniga gobolka, cawaaqibka ka dhalan kara kulaylka caalamiga ah, cunno yarida, Islaam nacaybka iyo xuquuqda Muslimiinta laga tirada badan yahay.


Madaxweyne Geelle oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa soo jeediyay laba qodob oo ku saabsan Falastiin, wuxuuna yiri; “Waxaan soo jeedinayaa inaan ku boorino beesha caalamaka in ay si adag uga soo horjeesato weerarka dhulka ah ee ay Israel dooneyso in ay ku qaaddo magaalada Rafax, waxaana sidoo kale soo jeedinayaa inaan hergelino baaqa lagu aqoonsanayo dowladda Falastiin”

Geelle ayaa sidoo kale ku baaqay in la dejiyo qorshe cad oo ka jawaabaya dhibaatooyinka ka jira dalalka ku bahoobay ururka iskaashiga Islaamka.

Dhanka kale, waxa uu Madaxweyne Geelle ka digay khatarta ka dhalan karta colaadaha Bariga Dhexe, iyada oo saameyn ballaaran ku timid hab sami u socodkii markaaiibta ganacsi ee isticmaali jirtay marinada biyaha.


Madaxweynaha Jabuuti ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah madaxda kasoo qeyb gashay shir-madaxeedka 15-aad ee Ururka Iskaashiga Islaamka, isaga oo kala hadlay iskaashiga iyo wadashaqeynta laba geesoodka ah.

Ka dib shir-madaxeedka OIC, Madaxweyne Geelle waxa uu u sii gudbi doonaa Guinea Bissau oo uu booqasho rasmi ah kula kulmi doono Madaxweyne Umaro Sissoco Embalo maalmaha 5-6 May.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here