Saturday, July 27, 2024

Caydiid: Deni kama qeyb geli doono Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Garoowe (Dawan)- Wasiirka Warfaafinta Puntland Eng.Maxamuud Caydiid Dirir oo la hadlay Dawan TV ayaa xaqiijiyay in madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uusan ka qeybgali doonin shirka Golaha Wadatashiga ee madaxweyanaha Soomaaliya isugu yeeray madaxda Dowlad Goboleedyada.

Wasiirku waxa uu xusay in Puntland aqoonsiga kala laabatay dowladda Federaalka ah ee hadda jirta sidaas darteedna aysan qeyb ka ahayn shirarkan.

Hadalka Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa jawaab u ah casuumaadda ay Madaxtooyada Soomaaliya u dirtay madaxda Dowlad Goboleedyada si ay uga soo qeyb galaan Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo 20-ka iyo 21-ka bishaan ka dhacaya Muqdisho.

Ajandaha Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa ah Dhameytirka Dastuurka iyo la dagaallanka Argagixisada.

“Mudanayaal Madaxweynayaal salaan dirran ka dib, waxaa sharaf ii ah in aan idin ku casuumo in aad ka soo qeyb-gashaan Shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka oo ka dhici doona Muqdisho inta u dhaxeeysa 20-ka illaa 21-ka Abril 2024” ayaa lagu yiri, casuumaadda loo diray Dowlad Goboleedyada.

Arrinkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo kulamo ay madaxda dowlad goboleedyadu ku yeelanayaan Nairobi iyo Abu Dhabi kuwaas oo ka dhan ah arrimaha wax ka bedelka dastuurka.

Sidoo kale, Warar lagu kalsoonyahay oo uu Dawan TV helay ayaa xaqiijinaya in Dowlad Goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ay dhawaan soo saari doonaan war-murtiyeed wadajir ah oo ay ku diidan yihiin wax ka bedelka Dastuurka iyo hannaanka loo maray.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here