Garoowe (Dawan) – Ciidamada Puntland ayaa sheegay in ay dileen dagaallamayaal ka tirsan kooxda Daacish intii lagu guda jiray howlgal ka dhacay buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari 24-kii saac ee la soo dhaafay.
War kasoo baxay Isniintii Hawlgalka La-Dagaallanka Argagixisada ee Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada ay fuliyeen howlgallo ka dhacay deegaanno ku yaalla buuraha Calmiskaad, halkaas oo lagu sheegay in xubno ka tirsan Daacish lagu dilay. Lama bixin tirada saxda ah ee khasaaraha.
Sidoo kale, saraakiishu waxay sheegeen in ciidamadu ay weerar ku qaadeen meelaha ay ku dhuumaaleysanayeen dagaallamyaasha Daacish ee dooxada Baallade. Sida lagu sheegay qoraalka, qaar dagaallamayaasha ah ayaa la dilay halka kuwo kale ay baxsadeen, dagaalladuna ay weli socdaan.
Sheegashadan lama xaqiijin madax-bannaan, inkastoo talisku faafiyay muuqaallo iyo sawirro uu ku sheegay inay ka turjumayaan howlgalka iyo meydadka dagaallayaasha la dilay.
Buuraleyda Calmiskaad oo ku taalla gobolka Bari ayaa muddo dheer loo aqoonsaday in ay hoy u tahay kooxda Daacish ee Soomaaliya. Puntland ayaa marar badan ku qaaday howlgallo lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda kooxdaasi, waxaana sidoo kale taageero ka geysta saaxiibada caalamka ee Soomaaliya, oo marar badan fuliyay duqeymo cirka ah.