– Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag uga hadlay weerarkii lagu qaaday dhallinyaro ku sugnaa xerada ciidanka Damaanyo ee Muqdisho, isaga oo dowladda federaalka ku eedeeyay inay ku guuldareysatay inay sugto amniga goobta oo ay ka hortagto falalkaas.
Shariif Sheekh Axmed ayaa si weyn u cambaareeyay weerarka ay fuliyeen kooxda Al-Shabaab, oo bartilmaameedsatay dhallinyaro doonaysay inay ku biiraan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay kooxdaan mid naxariis darran, isla markaana ka been sheegta magaca Islaamka.
“Weerarkan naxdinta leh ee ka dhacay xerada Damaanyo wuxuu muujinayaa sida kooxaha aan damiirka lahayn ee ka soo horjeeda shacabka Soomaaliyeed ay u yihiin kuwo aan naxariis lahayn,” ayuu yiri.
Sidoo kale wuxuu si kulul uga eedeeyey dowladda federaalka iyo hay’adaha ammaanka in ay ku guuldareysteen in si buuxda loo sugo amniga goobta.
Weerarka oo dhacay subaxnimadii Axadda ayaa lagu bartilmaameedsaday dhallinyaro saf dheer uga jirtay bannaanka xerada Damaanyo, waxaana lagu dilay ugu yaraan 10 qof, sida ay sheegeen markhaatiyaal ay warbaahinta Reuters soo xigatay.
Mas’uuliyiinta caafimaad ee Isbitaal Madina waxa y dhankooda Dawan Media u xaqiijiyeen in 12 qof la keenay isbitaalka, kuwaas oo 11 ka mid ahi dhaawacmeen hal qofna uu ku dhintay.
Qofka ismiidaamiyey ayaa qarxiyay walxaha qarxa iyadoo dhallinyaradu saf dheer ka samaysanayeen albaabka xerada.
Dowladdu waxay sheegtay inay ka hortagtay in weerarku keeno khasaaro ka sii weyn kan uu geystay hadda , waxayna ballan qaaday inay warbixin dheeraad ah ka soo saari doonto qasaaraha. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.