Saturday, July 27, 2024

Biixi oo sheegay inuu diyaar u yahay doorashada madaxtinimada

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka qay galay shirka Xisbiga Kulmiye ee arrimaha doorashooyinka ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu xisbigiisa ku metelo tartanka doorashada madaxtinimo ee dhaceysa bisha November ee sannadkan.

Muuse Biixi ayaa ku goodiyay inuu ka guuleysan doono musharrixiinta kale ee u taagan madaxtinimada, isaga oo tilmaamay in ay yihiin kuwii oo ka guuleystay doorashada hore, hadana aan soo bandhigin qorsha ka duwan kii hore.

Kulmiye ahaan doorashooyinkii waynu gelaynaa, nasiib wanaag inta madaxweyneyaasha u sharraxani waa qolo aynu hore u wada ciyaarnay oo aynu aad isu naqaan, koox cusub oo tolow maxay yeeli doonaan la leeyahay ma aha” ayuu yiri Biixi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa ka digay in ololaha doorashada looga faa’ideysto kala qaybinta bulshada iyada oo la iska horkeenayo madaxda iyo shacabka ama wax loo dhimayo midnimada bulshada, wuxuuna ugu baaqay siyaasiyiinta in ay ka fogaadaan wax kasta oo abuuri kara kala dhantaalka shcabka iyo wadajirkiisa.

Biixi oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yiri, “Shacbigu wuu codaynayaa oo qof waliba ninka uu doonayo ayuu u codayn doonaa, laakiin waxaa laga midaysan yahay doorashadu inaanay khilaaf inagu keenin oo aan dadka caaddifaddooda nin kursi doonaya aanu meel daran oo aan laga soo qaban karayn ka tuurin,”

Biixi ayaa ku faanay in xisbiga Kulmiye yahay xisbi taariikh iyo sumcad ku leh sooyaalka Somaliland kaas oo qayb wayn kasoo qaatay in laga soo gudbo dhibaatooyinkii kala duwanaa ee soo maray inta ay jirtay Somaliland, wuxuuna ballan qaaday in ay qaban doonaan doorasho hufan oo ay shacabku leeyihiin go’aankeeda.

” Waa kuma xisbiga leh waan soo halgamay, oo xorriyaddii baan wax ku lahaa, waa ayo xisbiga odhan kara dhibaatooyinkii dhacay baan difaac ka galay…. sidaa darteena xisbiyada tartamaya warwar kama qabno, waxa aanu ballan qaadaynaa, doorasho hufan” ayuu Biixi u sheegay warbaahinta.

Horaantii bishii March ayay ahayd, markii Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi uu saxiixay wax ka bedelka lagu sameeyay xeerka guud ee doorashooyinka iyo diiwan gelinta codbixinta iyo xeerka nidaamka ururada iyo asxaabta siyaasadda.

Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa ku dhawaaqay in 13-ka bisha November ee sannadka 2024-ka la qaban doono doorashada isku-dhafka ah ee Madaxtooyada iyo Axsaabta siyaasadda Somaliland.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here