Hirshabelle(Dawan) – Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo kaashanaya ciidamo deegaanka ah, ay 6-da Juun 2025 fuliyeen howlgal ballaaran oo ka dhacay deegaanka Ceel-dheere, oo ku yaalla xadka gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.
Howlgalka oo isugu jiray dagaal toos ah iyo duqeyn cirka ah oo lala kaashaday saaxiibada caalamiga ah, ayaa lagu beegsaday saldhigyo iyo meelo ay ku dhuumaaleysanayeen kooxda Al-Shabaab.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Wasaaradda Gaashaandhigga, howlgalka waxaa lagu dilay horjoogayaal sare iyo xubno Alshabaab ah , waxaana la burburiyay xarumo istaraatiiji ah.
Wasaaradda ayaa shegtay in kooxda ay isaga carareen goobihii ay deganaayeen, taasoo muujinaysa in cadaadiska ciidamada huwanta ah uu saameyn xoogan ku yeeshay.
Howlgalkan waxa uu qeyb ka yahay ol’ole ballaaran oo Ciidamada xoogga , oo kaashanaya macalwisleda deegaanka ah iyo saaxiibada caalamiga ah – sida Mareykanka iyo Midowga Afrika kaa soo dhan aah Alshabaab kana socda bartamaha iyo Koonfurta Soomaliya.