Thursday, May 8, 2025

Cilmi Baaris Lagu Xoojinayo Isticmaalka Daawo Dhaqameedka oo Lagu Daah Furay Jigjiga

Jigjiga – Magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa 6-dii bishan lagu daahfuray cilmi baaris cusub oo ku saabsan sidii looga faa’iideysan lahaa isticmaalka daawo dhaqameedka, iyadoo lagu xoojinayo cilmi baaris casri ah. Munaasabadda ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Itoobiya, Xafiiska Caafimaadka Dowlad Deegaanka Soomaalida, iyo jaamacadaha kala duwan ee magaalada Jigjiga iyo Qabri Dahar.

Cilmi baaristan, oo ah mid isku xira dhaqanka iyo cilmi-baarista casriga ah, ayaa diiradda lagu saaray cilmiga ku saabsan isticmaalka daawo dhaqameedka. Waxaa sidoo kale la baran doonaa oo la diiwaangelin doonaa dhirta kala duwan ee loo adeegsado daweynta xanuunada kala duwan ee bulshada deegaanka. Ujeedada cilmi baarista ayaa ah in laga helo xog horudhac ah oo ku saabsan dhaqanka deegaanka iyo isticmaalka dhirta kala duwan ee laga isticmaalo daaweynta xanuunada.

Wasiir ku xigeenka Xafiiska Caafimaadka Dowlad Deegaanka Soomaalida, Maxamed Ayaanle, ayaa sheegay in cilmi baaristan ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dadaalka dowlad deegaanka ee ku aaddan sidii looga faa’iideysan lahaa daawo dhaqameedka, iyadoo la raacayo hababka cilmiyeed ee casriga ah.

“Deegaankeena waxa uu hodan ku yahay dhirar kala duwan, oo loo isticmaali jiray hab dhaqameedyo lagu daweyn jiray dadkeena, si ay taas u noqoto mid cilmiyaysan waxaa la daraasayn doonaa dhammaan dawooyinka dhaqanka, si loo ogaado kuwa ku haboon iyo kuwa aan ku haboonayn, iyadoo cilmi lagu salaynayo,” ayuu yiri Wasiir ku xigeenku.

Cilmi baarista ayaa la rajeynayaa inay soo saarto xog cusub oo muhiim ah oo ku saabsan isticmaalka daawooyinka dhaqameedka, iyadoo la tixgelinayo saameynta ay ku leeyihiin caafimaadka bulshada, iyo sida loo xoojin karo adeegsiga dawooyinka dhaqameed ee leh faa’iidooyin caafimaad. Hadafka guud ee cilmi baaristan ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii loo xoojin lahaa dadaalka dowlad deegaanka ee ku aaddan isticmaalka daawo dhaqameedka, iyadoo la raacayo hab cilmi baaris oo casri ah si loo ogaado waxtarka iyo tayada dawooyinka dhaqameed ee deegaanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here