Saturday, July 27, 2024

Ciraaq: in ka badan 100 qof oo ku dhimatay dab ka kacay xaflad aroos

Bagdaad( Dawan)- In ka badan 100 qof ayaa ku dhintay, 200 oo kalena way ku dhaawacmeen dab ka kacay xaflad aroos oo ka dhacaysay degmada Hamdaniya ee gobolka Nineveh ee dalka Ciraaq.

Guddoomiyaha gobolka Nineveh Najm al-Jubouri ayaa sheegay in ugu yaraan 114 qof ay ku dhinteen ku dhawaad ​​halka 200 oo kalena ay ku dhaawacmeen dab ka kacay xaflad aroos.

Baaritaanada hordhaca ah ayaa tilmaamaya in baaruuda lagu ciyaaro ay sabab u ahayd inuu dabku kaco iyada oo aysan sidoo kale goobta xafladdu ka socotay lahayn adeegyada dab demiska deg-degga ah.

Dabka ayaa sababy in qeyb ka mid ah dhismaha ay xaflalddu ka scootay kusoo kor dumo dadka taas oo sii siyaadisay dhimashada tirada badan, sida ay sheegeen kooxaha gurmadka ee goobta gaaray.

Dadki dhaawacu kasoo gaaray dabka ayaa la geeyay isbitaalada gobolka Nineveh iyo gobolka kale ee Kurdistaan ee waqooyiga Ciraaq.

Ra’iisul wasaaraha Ciraaq Maxamed  Al-Suudaani ayaa faray wasiirada  arrimaha gudaha iyo caafimaadka inay aabaabuan  dhammaan dadaallada wax loogu qabanayo muwaadiniintii ku waxyeelloobay musiibada dabkaas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here