Saturday, July 27, 2024

Jabuuti oo ka qeyb gashay shirweynaha Dhaqanka caalamka islaamka

Doha (Dawan)- Wasiirka Dhaqanka iyo Dhallinyarada Jabuuti, Hiba Muumin ayaa ka qeyb gashay  Shirweynaha laba iyo tobnaad ee Golaha Wasiirada Dhaqanka ee Caalamka Islaamka oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Doha ee dalka Qatar.

Shirka oo ay kasoo qeyb galeen wakiilo ka kala socda in ka abdan 50 dal oo muslim ah ayaa sannadkaan lagu falanqeyyay xoojinta iyo horumarinta is-dhaxgalka dhaqamada waddamada dunida islaamka.

Wasiiradda oo khudbad ka jeedisay shirka ayaa caddeysay in dowladda Jabuuti ay siiso ahmiyad gaar ah ilaalinta dhaqanka iyo hiddaha u gaarka ah Jabuuti iyo dhaqanka ay wadaagga kula tahay dalalka islaamka.

Wasiiradda aya sidoo kale iftiimisay masaahriicda dowladda Jabuuti hirrgelisay iyada oo mudnaanta la siinayo dhinacayda hiddaha, dhaqanka iyo dhallinyarada

Hiba Muumin ayaa kulamo gaar gaar ah la qaadatay mas’uuliyiin ka kala socda dalalka islaamka, iyada oo kala hadashay xoojinta iskaashiga iyo wadashaqeynta dhinacayda dhaqanka, hiddaha iyo dhallinyarada.

Shirweynaha ayaa dib u eegis ku sameeyay dadaallada lagu hormarinayao arrimaha dhaqanka iyada oo diiradda la saarayo istiraatiijiyadii hore loo jideeyay, waxaana warbixin guud la dhegeystay guddigga qaabilsan horumarinta dhaqanka iyo habraacyadiisa.

Dowladda Tuunis ayaa loo xilsaaray in ay hoggaamiso kalfadhiga soo socda ee sannadka 2024-2025, waxaana ku xigeen looga dhigay dowladda Senegal, sida ay sheegatay Wakaaladda Wararka Qatar.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here