By Asha Elmi
Xawaadley, Soomaaliya – Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa xaqiijiyey in ciidamadii Burundi ee ka howlgalayay saldhigga Xawaadley ee Gobolka Shabeelaha Dhexe si nabad ah looga daad gureeyey, kadib fatahaado culus oo deegaanka ka dhacay.
Qoraal rasmi ah oo ay AUSSOM maanta soo saartay ayaa lagu sheegay in inta daadguraynta ay socotay ay Isniintii hal helikobtar ay cilad farsamo soo wajahday, haddana duuliyayaashu si nabad ah u maareeyeen.
“Dhammaan ciidamada iyo shaqaalaha ayaa si guul leh loogu daad gureeyay saldhig milateri oo u dhow, mana jiro wax khasaare ah oo la soo sheegay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
AUSSOM ayaa bogaadisay diyaar garowga iyo xirfadda ciidamada Burundi, taasoo ka caawisay in howlgalku si habsami leh u dhaco sida ay sheegtay.
Sidoo kale, AUSSOM waxay ku adkeysatay inay sii wadi doonto taageerada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka si loo yareeyo saameynta fatahaadaha iyo dhibaatooyinka kale.