Friday, May 30, 2025

Waa kuma afhayeenka cusub ee mucaaradka Soomaaliya?

Muqdisho, Soomaaliya – Daahir Maxamuud Geelle, oo horey u ahaa La-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee Arrimaha Carabta, ayaa maanta u xaqiijiyey warbaahinta Dawan inuu iska casilay xilkaas, isla markaana noqday afhayeenka rasmiga ah ee mucaaradka Soomaaliya.

Geelle ayaa xilka ka tagay xilli magaalada Muqdisho ay ka socoto shirka mucaaradka oo socon doona muddo saddex maalmood ah, kaasoo looga hadlayo arrimaha siyaasadda dalka iyo go’aannada mucaaradka.

Haddaba, waa kuma afhayeenka cusub ee mucaaradka Soomaaliya?

Daahir Maxamuud Geelle wuxuu muddo dheer ka soo shaqeeyey siyaasadda Soomaaliya, isagoo qabtay xilal muhiim ah oo ay ka mid yihiin: Agaasimaha Waaxda Xiriirka Dibadda ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta, Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiirkii Warfaafinta ee Maamulkii Sheekh Shariif Axmed (2009), Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey Sacuudiga (2012-2017), Wasiirkii Warfaafinta ee Xukuumaddii Madaxweyne Maxamed Farmaajo (2017), iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Carabta (2022-2025).

Daahir Maxamuud Geelle ayaa sidoo kale horey u soo noqday afhayeenka Midowga Musharrixiinta Soomaaliya intii lagu guda jiray doorashadii 2022.

Sidoo kale, Geelle waxa uu ka mid ahaa musharrixiinta madaxweynaha ee doorashadii 2022, inkastoo uu ka tanaasulay ka hor intaan codeynta la qaban.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here