Saturday, July 27, 2024

Dab khasaare hatiyadeed geystay oo ka kacay suuqa Jowhar

Jowhar (Dawan)- Dab xalay saqdii dhexe ka kacay suuqa Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar ayaa geystay khasaara hantiyadeed oo fara badan.

Dabka ayaa ka kacay mid ka mid ah suuqyada ugu waawayn magaalada Jowhar ee maamul goboleedka Hirshabeelle, waxaana ka dhashay khasaara hantiyadeed oo ilaa iyo hadda aan si rasmi ah loo ogaan.

Gawaarida iyo booyadaha deb demisaka  ayaa ugu dambeyntii ku guuleystay inay demiyaan abaara 4:30 am.

Sababta rasmiga ee dabka dhalisay lama oga balse waxay dad ka ag dhawaa goobta uu debka ka kacay u sheegeen TV-ga Dawn in loo badinaayo in ay tahay cellad ka dhalatay korontada.

Dadka ayaa sidoo kale sheegay in ugu yaraan 200, oo dukaan ku baaba’een dabka ka kacay xalay suuqa Hantiwadag ee Jowhar, mana jiro kharaae nafeed oo lasoo sheegay.

Mmas’uuliyiinta magaaalada Jowhar iyo maamulka Hirshabeele ayaan war rasmi ah kasoo saarin sababta dhalisay dabka iyo khasaraaha uu geystay, waxaana ganacsatada qaarkood oo xalay alaabtoododa la cararay ay billaabeen inay dib ugu soo celiyaan suuqa si ay shaqo maalmeedkooda u sii wataan.

Ma aha markii ugu horreysay ee suuq Soomaali leedahay dab ka kaco, waxaana sidaan oo kale dab uga kacay billaawgii bishaan suuqa Beledweyne, kaas oo gamacsatada  u geystay  khasaaro hantiyadeed .

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here