Saturday, July 26, 2025
Array

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Jubaland oo ka socda Beled-Xaawo.

Dagaal culus ayaa dib uga qarxay degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeya ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad-goboleedka Jubaland.

Iska horimaadka ayaa ka dhacay xerada UK ee ku taalla dhanka bari ee Beled-Xaawo. Sida ay sheegtay Jubaland, xeradaas markii hore waxaa ku sugnaa ciidamada dowladda federaalka, balse hadda ciidamada Jubaland ayaa la wareegay qeyb ka mid ah xerada.

Inkastoo dagaalku weli socdo, ma jiro khasaare nafeed oo si rasmi ah loo xaqiijiyay ilaa hadda, labada dhinacna kama aysan hadlin dhaawacyo ama dhimasho.

Dagaalka ayaa bilowday 22-ka Luulyo, kadib markii diyaarad sidday Abdirashid Janan, taliyaha cusub ee hay’adda NISA ee Jubaland, ay gaartay Beled-Xaawo isaga oo ay wehliyeen ciidamo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubaland ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu sabab u ahaa dagaalka. Colaaddan oo la aaminsan yahay inay salka ku hayso khilaaf siyaasadeed iyo ismaan-dhaaf ciidan, ayaa laga digayaa in ay sii huriso xasillooni darrida gobolka Gedo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here