Saturday, July 27, 2024

Xasan Sheekh oo sheegay in guulo laga gaaray dagaalka ka dhanka ah A S

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta shir guddoomiyay kulanka khamiislaha ee golaha wasiirada ayaa ka warbixiyay dagaalka iyo howlgalladii ugu dambeeyey ee ciidanka dowladda ay ka wadeen maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle.

“Madaxwaynaha ayaa Golaha uga warbixiyay dadaalka ka socda jiidda hore ee dagaalka, isagoo tilmaamay in wajigii labaad ee hawlgallada Khawaariijta laga gaaray guulo waaweyn, isla markaana ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanku horumar muuqda ay sameeyeen furimaha dagaalka” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Golaha Wasiirada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in kooxda Al-shabaab laga xoreeyey deegaanno muddo dheer fariisimo u ahaa, isagoo ku boorriyay Golaha Wasiiradda Xukuumadda in ay sii labalaabaan doorka ay ka qaadanayaan hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Qoraalka ayaa intaas raaciyay ” Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa dhinaca kale sheegay in dhamaystirka Dastuurka Federaalka uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dowladnimada Soomaaliyeed, si loo helo hay’ado is dheelitira oo sharciga ku shaqeeya”.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa isna kulanka ka sheegay in xukuumaddu ay yagleeshay laba guddi oo heer Wasiiro ah, kuwaas oo kala ah Guddiga Taakulaynta Ciidmada iyo Guddiga Wacyigalinta howlgallada lagula dagaalamayo Al-shabaab.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa maanta lagu ansixiyay Hindise sharciyeedyo iyo heshiisyo caalami ah oo ku saabsan dhaqaalaha, caafimaadka, warfaafinta iyo dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here