Saturday, July 27, 2024

M/W Xasan oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusb ee Sweden

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Sweden u fadhin doona dalka Soomaaliya, Mudane Joacim Waern.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay sidii dowladiisa ay door weyn kaga qaadan lahayd in dalalka caalamka Soomaaliya ka taageeraan dagaalka ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kula jiran sidii looga adkaan lahaa dagaalamayaasha Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyey Danjire Joacim Waern in uu ka miro Dhaliyo matelaadda dalkiisa iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood.

Dhankiisa, Danjiraha ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, isaga oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee lagu qaabillay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here