Moroni(Dawan) – Danjiraha aan degganayn ee Soomaaliya u fadhiya waddanka Komoros, Ilyaas Cali Xasan, ayaa si rasmi ah warqadihiisa aqoonsiga ugu gudbiyay Madaxweynaha Midowga Komoros, Azali Assoumani, xaflad ka dhacday Madaxtooyada Moroni.
Gudbint warqadahaan ee Danjiraha ayaa ku soo beegantay waqti uu Madaxweyne Assoumani dhawaan loo dhiibay hoggaaminta Midowga Afrika.
Danjire Ilyaas ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay iskaashi iyo midnimo, isagoo yiri:
“Waxaan mar kale adkeeyay sida aan ugu heelanahay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Komoros iyo ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida labada dal.”
Tallaabadan diblomaasiyadeed ayaa daba socota iyadoo 3-dii Luulyo, Danjire Ilyaas uu sidoo kale warqadihiisa aqoonsiga si rasmi ah ugu gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Malawi, Lazarus Chakwera, xaflad ka dhacday Qasriga Kamuzu ee magaalada Lilongwe.
Danjire Ilyaas, oo ah Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania tan iyo bishii May 2024, sidoo kalena ah Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), ayaa sidoo kale matala Soomaaliya si aan degganeyn (non-resident) dalalka Malawi, Rwanda, Mauritius, DRC iyo Komoros.