Laascaanood (Dawan) – Hoggaamiyaha Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Axmed Aw Cali, ayaa si rasmi ah u saxiixay dastuurka cusub ee maamulka, xaflad ka dhacday magaalada Laascaanood habeenimadii Sabtida.
Dhaqan-gelinta dastuurka ayaa lagu meel-mariyay Xeer Madaxweyne, iyadoo lagu saleynayo qodobka 152-aad ee dastuurka cusub ee maamulka. Sida lagu sheegay war kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, arrintani waxay ka dhigan tahay in dastuurkaasi hadda si rasmi ah u dhaqan galay.
“Madaxweynuhu, isagoo tixraacaya qodobka 152-aad, wuxuu si rasmi ah u dhaqan-geliyay Dastuurka Maamulka. Laga bilaabo maanta, dastuurkan wuxuu noqonayaa mid sharci ah,” ayaa lagu yiri qoraalka rasmiga ah.
Xafladda saxiixa waxaa ka qayb galay masuuliyiin dolwadda federaalka ah oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali Xoosh.
“Caawa, waxaan si rasmi ah u dhaqan-gelinay Dastuurka Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Xoosh, isagoo intaas ku daray in wajiga xiga uu noqon doono dhismaha baarlamaanka deegaanka iyo diyaarinta doorashooyinka Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.
Saxiixa dastuurka ayaa daba socday shir siddeed maalmood socday oo lagu qabtay Laascaanood, halkaas oo ay isugu yimaadeen ergooyin ka kala yimid Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, kuwaas oo dhammeystiray aasaaska sharci ee maamulka cusub.