Saturday, July 27, 2024

David Cameron oo dib uga soo muuqday xukuumadda Britain

London (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Britain, Rishi Sunak ayaa maanta oo Isniintii u magacabaay Ra’iisul Wasaarihii hore, David Cameron inuu noqdo Wasiirka Arrimaha Dibadda, kadib markii uu isku shaandheyn ku sameeyay xukuumadda uu hoggaamiyo.

David Cameron ayaa aqbalay xilka loo dhiibay, waxa uuna ballan qaaday inuu ka shqeyn doono sidii looga gudbi lahaa caqabadaha caalamiga ah ee taagan.

“Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu iga codsaday in aan noqdo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda, waxaana ku aqbalay si farxad leh” ayuu yiri Cameron.

Cameron ayaa sheegay in kow iyo toban sano uu ahaa hogaamiye Xisbi iyo lix sano uu ahaa Ra’iisul Wasaraaha Britain in ay ka caawin doonto fulinta howsha loo igmaday, issaga oo xusay in ay caalamka jiraan dhibaatooyin waaweyn oo u baahan xal sida dagaalka Ukraine iyo xisaadda Barig Dhexe.

Dhanka kale, Wasiirkii Arrimha Gudaha, Suella Braverman, ayaa xilkeedi lumisay waxaana lagu beddelay James Cleverly, oo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Suella Braverman, ayaa la kulantay dhalleeceen culus kadib markii ay isku dayday in ay ka hortagto mudaaharaadyada qabsaday maalmihii lasoo dhaafay magaalooyina waaweyn ee UK ee lagu dalbanayo in la joojiyo colaadaha ka taagan Bariga Dhexe.

Sunak ayaa Braverman u magacaabay jagadan wasiirnimo ka dib markii uu noqday Ra’iisul Wasaare sanad ka hor

Xil ka qaadista Braverman ayaa timid iyadoo xisbiga talada haya ee Conservative Party uu ku dhawaaqay inuu sameynayo isku shaandheyn Golaha Wasiirada ah oo ay ku jiraan xilal muhiim ah markii ugu horeysay tan iyo markii la dhisay xukuumadda hadda jirta 25-ka Oktoobar 2022.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here