Saturday, July 27, 2024

Ruto oo daahfuray ololaha lagu beerayo 100 milyan oo geed

Nairobi (Dawan)- Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto ayaa maanta magaalada Makindu ee ismaamulka Makueni ka daahfuray ololaha lagu beerayo 100 milyan oo geed guud ahaan dalka.

Dowladda Kenya ayaa ugu baaqday dhammaan muwaadiniinteeda in ay ka qeyb qaataayn ololaha geed beerista ah, waxaana la fasaxay dhammaan howlaha dalka si dadku ugu helaan fursad ay uga qeyb qaataan ololaha dhireynta.

Ololahaan ayaa looga gol leeyahay in looga hortago xaalufinta dhirta iyo isbeddelka cimilada oo dhibaato weyn ku ah caalamka, gaar ahaan qaaradda afrika, waxaana lagu soo beegay xilliga roobabka si geesaha la abuuro ay u helaan biyo ku filan oo ay ku bixi karaan.

Dowladda ayaa soo diyaarisay geedaha la beerayo, iyada oo ay muwaadiniintu tegayaan xafiisyada guddoomiye xaafadeedyada si ay usoo qaataan geedka ay beerayaan, waxaana la faray Golaha Wasiirada in Wasiir kasta uu hoggaamiyo ugu yaraan geed beerista labo ismaamul.

Dowlad Deegaanka Garissa waxaa geedaha lagu beeray Jaamacadda Garissa University, waxaana daah furay Wasiirka Arrimaha Gudaha Prof. Kithure Kindiki.
Kindiki ayaa sidoo kale hoggaamiyay daahfurka abuurista geedaha ee Bariga ismaamulka Wajeer gaar ahaan xerada ciidamada militariga ka hor inta uunan u gudbin bariga Mandera gaar ahaan machadka lagu tababaro dhakhaatiirta ee KMTC.

Dowladda Kenya ayaa qorsheyneysa in la hirgeliyo abuurista 15 bilyan oo geed marka la gaaro sannadka 2032-ka.

Kenya ayaa martigelisay bishii September ee lasoo dhaafay shirkii ugu horreeyay ee cimilada Afrika, kaas oo looga hadlay u nuglaanshaha isbeddelka cimilada  qaaradda  Afrika iyo caalamka.

Kenya ayaa ka mid ah wadamada Afrikaanka ah ee loo arko in ay horumar ka gaareen qorshaha looga hortegayo isbeddelka cimilada, waxaana weheliya Koonfur Afrika iyo Marooko.

Kenya waxay sannadkaan u qoondaysay ilaa 12 milyan oo doolar oo loogu talagalay adeegyada saadaasha hawada, waxeyna dadaal ku bixisa caagrinta deegaanka iyo  ilaalinta duur joogta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here