Wednesday, December 4, 2024

DDS oo laga hirgelinayo mashruuca horumarinta marinada magaalooyinka

Jigjiga (Dawan)- Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa ka mid ah meelaha laga hirgelinayo mashruuca Horumarinta Marinada Magaalooyinka (Corridor Development) ee Itoobiya, sida ay sheegtay warbaahinta ku hadasha afka Dowlad Deegaanka. Mashruucan ayaa waxaa qorshihiisa lahaa Ra’iisul Wasaare, Abiy Ahmed, waxaana  markii hore lagu tijaabiyay magaalada Addis Ababa sanadkii 2016, iyadoo hadda lagu ballaariyay 31 magaalo oo ay ka mid tahay Jigjiga, xarunta Dowlad Deegaanaka Soomaalida.

Warbixinta kasoo baxday warbaahinta DDS ayaa lagu sheegay in mashruuca Horumarinta Marinada Magaalooyinka uu leeyahay hadaf cad oo ah in kor loo qaado bilicda, isku socodka, iyo adeegyada aas-aasiga ah ee magaalooyinka, iyadoo bulshada deegaanka loogu fududeynayo helitaanka adeegyada nolosha ee muhiimka ah. Jigjiga, oo kamid ah magaalooyinka ugu muhiimsan ee mashruucan laga hirgelinayo, ayaa laga rajeynayaa in mashruucu uu wax weyn ka beddelo bilicda iyo hab-nololeedka magaalada, iyada oo ay dhallinyaro badan ka heli doonaan shaqo abuur.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Masghruucaan oo ay si dhow ula socdaan khubarada iyo mas’uuliyiinta DDS uu  faa’iidooyin badan  u leeyahay bulshada ayna si toos ah u heli doonaan, kuwaas oo ay kamid yihiin: Kobcinta dalxiiska iyo dhaqaalaha deegaanka,Dhimista saxmada iyo shilalka gaadiidka, Kor u qaadida bilicda iyo nadaafadda magaalada,Taageeridda dhaqaalaha cagaaran iyo Yaraynta caqabadaha iyo fududeynta ganacsiga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here