Wednesday, December 4, 2024

Turkiga oo ku baaqay in la ilaaliyo qaranimada Soomaaliya iyo in Itoobiya la siiyo deked

Jabuuti (Dawan)- Dowladda Turkiga oo hadda gacanta ku heysa faylka khilaafka Sooomaaliya iyo Itoobiya ayaa qorsheyneysa inay is waafajiso ilaalinta qaranimada Soomaaliya iyo in Itoobiya ay hesho marin badeed ay u adeegsato deked.

Sidaas waxaa sheegay Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, Hakan Fidan oo ku sugnaa labadi maalin ee lasoo dhaafay dalka Jabuuti isaga oo ka qayb galay shirki seddexaad ee dib-u-eegista wasiirrada ee iskaashiga Afrika iyo Turkiga.

Hakan ayaa sheegay in dalkiisu uu wado dadaallo aan kala joogsi lahayn oo uu ku doonayo in lagu xalliyo khilaafka hadda ka dhex jira Itoobiya iyo Soomaaliya, si loo gaaro heshiis guud oo ku habboon labada dhinac.

Wasiirku waxa uu intaas ku daray inay lagama maarmaan tahay in laga gudbo caqabadaha taariikhiga ah ee culeyska ku haya madaxda labada dal, si loo gaaro go’aano ka tarjumaya dhibaatada hadda taagan. Fidan waxa uu nuxurka heshiiska ku tilmaamay in shuruud la’aan loo aqoonsado madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyada oo ay Itoobiyana si nabad ah ku gaareyso badda.

Waxa uu xusay in Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn ay ku nool yihiin dad aad u badan, kuwaas oo ganacsigoodu ku tiirsan yahay badda, taas oo ka dhigaysa inay hesho deked mid muhiim u ah danaheeda dhaqaale.

Fidan waxa uu carrabka ku adkeeyay in heshiis dhexmara Itoobiya iyo Soomaaliya uu ka dhigan yahay muhiimadda koowaad ee Ankara, isla markaana dalkiisu uu la shaqeynayo dhammaan dhinacyada ay khuseyso, ujeedaduna ay tahay in la gaaro heshiis guud oo qanciya dhammaan dhinacyada.

Dhanka kale, Fidan waxa uu xusay inuu arrintan kala hadlay dhiggiisa Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, wuxuuna ballan qaaday in dalkiisu sii wadi doono dadaallada si loo gaaro heshiis dan u ah labada dhinac iyo gobolka.

Turkiga ayaa martigeliyay laba wareeg oo wada xaajood ah, waxaana baaqday warreeg seddexaad oo ay isagu imaan lahaayeen mas’uuliyiinta labada dal si loo sii amba qaado wadahadallada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here