Saturday, July 27, 2024

Deni iyo qaar ka mid ah xisbiyada oo ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka

Garoowe (Dawan)- Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la qaatay kulan qaar ka mid ah madaxda xisbiyada siyaasadda, kaas oo looga hadlay muranka ka taagan nidaamka doorashada hal qof iyo hal cod.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Deni ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen dardar-gelinta doorashooyinka goleyaasha wakiillada, madaxweynaha iyo goleyaasha deegaanka ee saddexda degmo ee ka harsan gobolka Nugaal oo kala ah Garoowe, Dangoroyo, iyo Godob-jiiraan.

“Madaxweynaha iyo Xisbiyada Siyaasadda ayaa kulankooda xoogga ku saaray, isu diyaarinta dhameystirka Doorashooyinka Dadweyne oo nabad ku dhaca” ayaa lagu yiri, War-saxaafadeedka.

Shirka waxaa ka qeybgalay Mas’uuliyiinta iyo hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda ee kala ah Xisbiyada Sincad , Ifiye, Runcad, Mustaqbal, Kaah, iyo Shaqaalaha.

Siciid Cabdullaahi Deni oo saxaafadda la hadlay shirka ka dib, ayaa mar kale sheegay in maamulkiisu uu diyaar u yahay inuu la kulmo xisbiyada mucaaradka ah, si xal looga gaaro shuruucda doorashada ee ugu habboon xilligaan la joogo.

Wada hadalladii aan maanta yeelanay Xisbiyadii, waxaan isla af-garanay sidii loo dardargelin lahaa sidii doorasho dimoquraadi ah oo xasiloon ay u dhici lahayd” ayuu yiri, Deni.

Waxa uu raaciyay hadalkiisa, ” Waxaan halkaan mar labaad baaq uga diraya dadka naga ra’yi duwan ee hadda aanan halkaan taagnayn inaan ugu baaqno wada hadal, inaan diyaar u nahay inaan la fahdiisanom inaan diyaar u nahay inaan kala xaajoono sidii dalka shuruucdiisa iyo qawaaniintiisa doorasho loo fulin lahaa”

Shirkaan ayaa yimid todobaad kadib markii Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni uu magacaabay guddi ka kooban 7 xubnood oo qaabilsan ka wada xaajoodka arrimaha doorashooyinka, iyada oo ay cirka isku sii shareereyso khilaafka u dhaxeeya dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Magaalada Garoowe waxa maalmaahaan iska daba tegayay mas’uuliyiinta iyo safiirada beesha caalamka waxaana ugu dambeeyay safiirka Britain ee Soomaaliya, Mike Nithavrianakis oo wada hadalo la yeeshay madaxweynaha Puntland, Deni iyo qaybaha kale ee siyaasiyiinta.

“Garowe waxaan kula kulmay ururro siyaasadeed oo kala duwan iyo mucaarad. Waxaan dhageystay talooyinkooda ku aaddan xallinta khilaafaadka doorashooyinka. In si nabad ah lagu hormariyo hanaanka doorashada ayaa muhiim u ah xasiloonida Puntland. Tan waxaa lagu gaari karaa kaliya wada hadal” ayuu yiri Mike.

Waxaa jiray waayadii u dambeysay khilaaf xooggan oo u dhaxeeyay Maamulka iyo Mucaaradka Puntland, kaas oo ku saabsan qaabka loo qabanayo doorashada Wakiilada iyo Madaxtinimada ee soo socota.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xusul duub ugu jira inuu qabto doorasho qof iyo cod ah, halka Mucaaradku ay leeyihiin suurta gal ma ahan in xilligaan la qabto doorasho ay dadweynuhu toos uga qeyb qaataan.

Guddiga doorashooyinka iyo Dallada Mucaaradka ayaa soo kala saaray laba jadwal doorasho oo kala waqti ah, waxeyna mucaaradku ku doodaayan in doorashada loo galo qaabki hore laguna qabto xilligeedi.

Mucaaradku waxa ay ku eedeeyeen Deni inuu doonayo muddo kororsi iyo inuu Puntland u horseedayo xasilooni darro.

Isimida Puntland oo isku dayay in ay xal u helaan khilaafka ayaan weli wax natiijo ah ka gaarin.

Dhammaan arrimahaas waxa ay keeneen in labada dhinac ay billaabaan diyaar garow ciidan taas oo muujineysa in nabadda iyo xasiloonida Puntland ay soo food saartay halis cusub.

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa baaq uu soo saaray dhawaan waxa uu walaac uga muujiyay khilaafka cirka isku sii shareeraya ee Puntland, waxa uuna ugu baaqay labada dhinac in ay miiska wada hadalka ku xalliyaan wixii khilaaf ah ee jira.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here