Munaasabadda maanta waxa ay u shidan tahay sagootin aan faransiiska xiisa gelin balse bulshada Senegal ay muddo sugaayeen. Ka dib muddo sanado ah oo milatariga Faransiiska uu joogay Galbeedka Afrika, Faransiiska ayaa si rasmi ah u dhameystirtay ka bixitaanka hawlgalkiisii milatari ee Senegal.
Faransiiska ayaa maanta wareejiyay saldhiggiisii ugu dambeeyay ee milatari ee Senegal, taasoo calaamad u ah dhammaadka waqti dheer oo ay joogeen. Munaasabadda wareejinta oo Dakar dhacday, waxaa ka qayb galay Taliyaha Guud ee Ciidamada Senegal, Jan. Mbaye Cisse, iyo Maj. Gen. Pascal Ianni, madaxda amniga milatari ee Faransiiska ee Afrika.
Wareejintaan ayaa calaamad u ah marxaladdii ugu dambeysay ee bixitaanka ciidamada milatari ee Faransiiska ee Senegal, iyadoo bilaabatay soo wareejinta goobaha Marechal iyo Saint-Exupery bishii Maarso 2025, saldhigga Contre-Amiral Protet ee May, iyo saldhigga Rufisque bishii Luulyo oo dhamaan lagu wareejiyay dowladda senegal. Bixitaankaan ayaa waxaa go’aamiyay heshiiska milatari ee 2012 ee u dhexeeya Paris iyo Dakar.
isbeddelka ballaaran ayaa ku yimid ciidamda faransiiska ee qaaradda Africa. Sannadihii u dambeeyay, dalal badan sida Chad, Mali, Niger, Burkina Faso, iyo Ivory Coast ayaa ku riixay ciidamada Faransiiska inay ka baxaan. Faransiiska ayaa hadda shaaciyay qorshayaal lagu yareynayo joogitaankiisa milatari ee qaaradda.
Dib u habeynta Faransiiska ee istiraatijiyadda milatariga, Djibouti ayaa noqon doonta saldhigga keliya ee uu joogto ahaan kaga yeelan doono qaaradda.