Saturday, July 27, 2024

Dhaqaala yari sababtay in sanad dugsiyeedka Mandheera uu dib u dhaco

Mandheera (Dawan)- Waxaa shir isagu yimid Maamulada 63-da Dugsiga Sare ee Ismaamulka Mandheera, si ay uga tashadaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha maaliyadeed oo hortaagan furitaanka Dugsiyada Waxbarashada oo shalay Kenya oo dhan ka billawday.

Maamulada aya sheegay in ay wajahayaan caqabado dhowr ah tan iyo markii la billaabay Deeqda Waxbarasho ee lo yaqaano “elimu kwa wote” iyaga oo sheegay in lacagaha loo qoondeeyay aysan buuxin karin shuruudihii looga baahanyahay arday kasta.

Maamulada ayaa caddeeyay in dhaqaalaha uu Gobolku bixiyay tani iyo marki la billabay barnamijka Elimu kwa wote  ay tahay kabid oo kaliya taas oo daboolaysa 60 boqolkiiba khidmadaha waxbarashada oo ay ka dhiman tahy boqolkiiba 40.

Maamulada ayaa intaas ku daray in ay adagtahay in Carruurtu ku laabtaan Dugsiyada iyada oo aan la dhmeystirin kharaashaadka dhiman.

Mas’uuliyiinta Ismaamulka Mandheera ayaa hore u ballan qaaday xilligii doorashada in ay ka dhigi doonaan Waxbarashada Dugsiyada Sare ee Ismaamulka mid lacag la’aan ah 100% si waalidiiinta looga yareeyo culeyska uga yimaada dhanka kharashaadka Waxbarashada.

Mas’uuliyiinta Ismaamaulka Mandheera ayaan ilaa iyo hadda (8:41) wax jawaab ah kasoo saarin shirka Maamulayaasha iyo eedeymaha loo jeediyay.

Isku soo duuboo shirka Maamulayaasha ayaa imaanaya iyada oo shalay  uu dib u furmayay sanad waxabarasheedka 2024 – 2025 ee guud ahaan dalka Kenya.

Dhanka kale, waxaa shalay gelinkii danbe soo baxay natiijada imataxaadka shahaadiga ah ee Kenya iyada oo ardayda Ismaamullada Woqooyi-Bari ay kaalmo fiican ka galeen sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Guddiga Imataxaanaadka guud ee shahaadiga dalka Kenya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here