Saturday, July 27, 2024

Jig-jiga oo laga hirgelinyo cisbitaal u gaar ah hooyada iyo dhallaanka

Jig-jiga (Dawan)- Magaalada Jig-jiga ee Caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida, waxa markii ugu horraysay laga hirgelinayaa dhismaha Cusbitaalka Hooyooyinka iyo Carruurta (MCH Hospital) oo qayb ka noqon doona Cusbitaalka Guud ee Kaaraamardha ee Caasimadda Jig-jiga.

Cusbitaalkan ayaa noqonaya midkii  ugu horrayey ee Deegaanku uu yeelanayo cusbitaal u gaar ah hooyada iyo dhallaanka.

Munaasibadda dhagax-dhigga oo ka dhacday Jig-jiga, waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxummed Cumar, iyo Mas’uuliyiin kale.

Cusbitaalka Hooyooyinka iyo Carruurta ayaa ka koobnaan doona dhisme 3 dabaq ah .

Shirkadda fulineysa Mashruucan ayaa sheegtay in ay kusoo gabogabayn doonto muddo lix bilood ah waxaana dhismihiisa ku baxaysa lacag dhan 150 milyan oo birr (Lacagta Itoobiya).

Bulashada ayaa baahi weyn u qabtay Cusbitaal nuucaan ah maaddaama ay culaysyo badan ay ka jireen waaxda hooyada iyo dhallaanka ee Cusbitaalka Guud ee Karaamardha oo qadiimi ah bulshaduna ay aad ugu xidhan tahay.

Mashruucaan  ayaa imanaya kaddib wada xaajood iyo kulamo badan oo ay Xukuumaddu la samaysay hay’adda fulinaysa oo kharashka ku baxaya ay  usoo marisay Xafiiska Caafimaadka Deegaanka Soomaalida.

Magaalooyinka Dowlad Deegaanka Soomaalida waxaa ka socday sannadihi la soo dhaafay horumar ballaaran oo isagu jira dhinacayda ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, maalgashiga, wax soo saarka beeraha iyo dhismaha nuucyadooda kala duwan iyada oo mas’uuliyiintu ballan qaadeen in ay taratan dhanka horumarka ah la gelayaan Deegaanaada kale ee dalka Itoobiya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here