Saturday, July 27, 2024

Dhismaha waddada isku xirta Af-dheer iyo Shabeelle oo la billaabay

Jig-jiga (Dawan)- Dowlad Deegaanka Soomaalida waxa laga billaabay waddo dhiririkeedu dhanyahay 37 KM iskuna xidhaysa Magaaloiyinka Iimqy-Bari iyo Raaso oo ka tirsan Gobollada Shabeelle iyo Afdheer.

Waddadan oo hore ay dhibaato badan ugu qabeen shacabka iyo gaadiidka u kala gooshaya labadaan Gobol ayaa hadda la gudo-galay wareeggeedii kowaad.

Jidkaan oo ay dhismihiisa ay maalgalisay Wakaaladda jidadka ee Dowladda Itoobiya ayaa waxa ku baxaysa lacag dhan 249 milyan oo Birr.



Inkasta oo dhismaha waddadan ay ka soo dib dhacday xilligii la qorsheeyay, haddana waxa ay yeesheen mas’uuliyiinya ku howlan in ay marayso billow wanaagsan, waxeyna ka koobnaa doontaa labo qaybood.

Wajiga kowaad oo isku xidhaysa Gobollada Shabeelle iyo Afdheer iyo wajiga labaad oo Dowlad Deegaanka Soomaalida ku xidhaysa Dowlad Deegaanka Oromada.

Magaalooyinka Dowlad Deegaanka Soomaalida waxaa ka socday sannadihi la soo dhaafay horumar ballaaran oo isagu jira dhinacayda ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, maalgashiga, wax soo saarka beeraha iyo dhismaha nuucyadooda kala duwan iyada oo mas’uuliyiintu ballan qaadeen in ay taratan dhanka horumarka ah la gelayaan Deegaanaada kale ee dalka Itoobiya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here