Saturday, July 27, 2024

Wakiilada Somaliland oo diiday burintii heshiiska Badda ee Baarlamaanka Soomaaliya

Hargeysa (Dawan)- Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta meel mariyay qaraar ay kaga soo horjeedaan xeerkii ay Dowladda Soomaaliya ku burisay heshiiskii is-afgaradka Badda ee dhex maray Dowladda Itoobiya iyo Somaliland.

Qaraarka waxaa loogu magac daray “Ansixinta go’aanka diidmada ah ee xeerkii burinta heshiiskii is af-garadka ee Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland la gashay Ethiopia ee Baarlamaanka Soomaaliya soo saaray”.

Qaraarka ayaa ka kooban shan qodob, waxaana ugu muhiimsan qodob tilmaamaya in Somalliland tahay Jamhuuriyad madax bannan oo xornimadeeda ka qaadatay Boqrtooyadii Ingiriiska 26 june 1960 sidoo kalena kala soo laabatay gooni isu taageeda Soomaaliya 1991.
Sidoo kale waxa qodobka labaad lagu caddeeyay in Somaliand xaq u leedahay in ay heshiis la gasho dalal kale iyo hay’ado caalami ah hadii aysan ka hor imaaneynin danta iyo maslaxdda Somaliland.

Qaraarka ayaa lagu yiri, Go’aan kasta oo kasoo baxa Dowladda Soomaaliya oo la xidhiidha awoodaha hay’adaha dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo xil gudashadooda gaar ahaan waxa loogu yeeray Xeerka ku aaddana burinta heshiiskii is-afgaradka Dowladda Itoobiya iyo Somaliand ee Baarlamaanka Soomaaliya soo saaray 2/1/2023. … Goluhu wuxuu caddeynayaa in ay tahay fara gelin ka dhan ah Jamhuuriyadda Somaliland, madax bannaanidda maamulka dhulkeeda, hawadeeda iyo baddeeda.

Qaraarkaan ayaa jawaab u ah Xeerkii uu saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee lagu buriyay heshiiskii Badda ee 1-dii bishaan ku dhax maray Magaalada Addis Ababa Dowladda Itoobiya iyo Somaliland.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in sharcigan uu yahay mowqifka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, farriin adagna u yahay cid kasta oo naawilaysa in ay boobto dhulka, badda iyo hawada shacabka Soomaaliyeed.

Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa 2-dii January meel mariyay Xeer lagu burinayo heshiiskii is-afgradka Badda ee Magaalada Addis Ababa ku dhax maray Dowladda Itoobiya iyo Somaliland.

Xeerkaan ayaa ka kooban todobo qodob balse waxaa ugu muhiimsan inuu waxba kama jiraan ka dhigaya heshiiskii is-afgarad ee dhexmaray Dowladda Itoobiya iyo Somaliland ee Jannaayo 1, 2024 lagu gaaray Magaaladda Adis Ababa, maadaama uu ka  hor  imaanayo  Dastuurka  Dalka, Shuruucada Caalamiga ah, Qaraarrada Caalamiga ah ee Golaha Ammaanka oo xeerinaya madaxbannaanida Dalka, iyo Xeerka Maalgeshiga Shisheeye Soomaaliya iyo shuruucda kale.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here